Awdalpress – Baki – Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble oo muddaba socdaal ku joogay gobolka Awdal, ayaa hawl mug leh ka galay sidii deg deg loogu gurman lahaa dadka tabaalaysan ee abaaruhu ku habsadeen. Maantana waxa uu booqday degmada Baki oo ka mid ah meelaha ay abaartaasi aadka u saamaysay.
Ugaaska waxa weheliyey Salaaddiin uu ka mid yahay Suldaan Ibrahim Samatar iyo Suldaan Dhawal, waxana ay dhammaantoodba ummadda ugu duceeyeen in Ilaahay ka saaro abaarta, shacabkana waxa ay ugu baaqeen in caloosha la iska cafiyo, oo gacmaha la is qabsado.
Dhinaca kale waxa uu Ugaasku madaxda dalalka Djabouti iyo Somaliland ka codsaday in ay dadkan caawiyaan. Waxana ay madax dhaqmeedkan gurmadka ahi ay gacanta ula tageen, oo ay qayb ka qaateen quudinta sabiga iyo dadka tabarta daran ee ay ugu tegeen Baki.
Awdalpress







