Awdalpress – London – Allaha u naxariistee, waxa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa DR Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ahaa aqoon yahanka iyo siyaasiyiinta Somaliland ee xidhiidhka dhaw la lahaa dawladaha reer Galbeedka.
DR Cumar oo muddo dheer deggenaa dalka Ingiriiska, kana shaqayn jiray cusbatal ku yaalla magaalada London, ayaan ahayn saaxiib ay, in badan ka wada qayb galay shirar gaar noo ahaa. Oo aan la yeelannay siyaasiyiin iyo safaarado ay leeyihiin dalal aad looga danbeeyo dunida.
Dr Dixood waxa uu ahaa shakhsi aad uga horreeyey guud ahaanba dadka Somaliyeed.Laakiin nasiib darro maamulladii Somaliland ee uu illaa immiga la shaqaynayey kama ay faa’iidaysan.
Allaha u naxariisto Marxuum Omer Dixood.
Ahmedweli Goth





