Awdalpress – Muqdisho – 21/08/13 -Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, isla markaana xidhiidhka wada shaqayneed la leh ururka xag jirka ah ee Al Qaida, ayaa ka hadashay markii ugu horreysay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Masar. Xaaladda dalka Masar ayaa ahayd mid kacsan laga soo bilaabo markii militariga dalkaasi ay xukunka ka tuureen madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Mohamed Mursi.
Barta ay kooxda Al-shabaab ku leedahay Twitter-ka ayay ku shaacisay in ciidammada militariga ah ee dalka Masar ay afgambi ku qabsadeen dalkaasi. Fariinta lagu baahiyey bogga Twitter-ka ee Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in militariga Masar ay xasuuq u geysteen dadka ka soo horjeeda afgembiga militariga.
“Xasuuqa ay milaterigu u geysteen dadka shacabka dalkaas waxa ay caddeyn u tahay in ficil ahaan iyo dhaqan ahaanba ay u dhaqmayaan sidii ciidammo cadow ku ah dadkooda,” ayaa lagu yiri warka ay Al-shabaab soo saartay.
Ficillada ay ciidamada Masar ku tallaabasadeen ayey ku sheegtay inay daaha ka rogeen go’aankoodii hore oo ahaa inay laayaan dadka muslimiinta ah, iyadoo sheegtay in ficillada xasuuqu ay yihiin kuwo horay ay ugu kici jireen ciidanka dalkaas.
“Hubka ay haystaan ciidamada Masar kulama dagaalami yaqaaniin Yuhuudda iyo kuwa la mid ah ee doonaya inay dhulalka muslimiinta qabsadaan, balse waxay ku xasuuqayaan oo keliya muliminta dalkaas ku nool, si ah sanka uga geliyaan xukunooda kali-talisnimada ah,“ ayay ku tiri Al-shabaab warka ay soo dhigeen bartooda.
Dhanka kale, waxay talooyin u jeediyeen ururka Ikhwaanul Muslimiinka ah ee ka soo horjeeda in xukunka laga tuuro madaxweynihii ay shacabku soo doorteen Mohamed Mursi, iyagoo ugu baaqay inay ka hadhaan dimuqraadiyad aan natiijo lahayn.
“Ururka Ikhwaanul Muslimiin waxaan ugu baaqaynaa inaysan shacabka ku baabi’in dimuqraadiyad aan natiijo lahayn, iska ilooba dimuquraadiyadda… hubka qaata naftiinana ka difaaca kuwa sida arxan-darrada ah shacabkiinna u gudmaadaya,” ayay Al-shabaab mar kale tiri.
Ugu dambeyn, waxay qoraalkooda ku sheegeen inaysan joojin dibadbaxyada ay kaga horjeedaan xukun-maroorsiga milateriga ayna iska difaacaan kuwa doonaya inay baabi’iyaan oo ay ku sheegeen inay la mid yihiin ciidamada Yuhuudda.
Dalka Masar ayaa waxaa muddooyinkii dabe ka socday dibadbaxyo ay ka dhigayaan waddooyinka dalkaas taageerayaashii Maxamed Mursi, kuwaasoo ka dalbanaya milateriga inay xukunka kusoo celiyaan, balse ciidamada ayaa go’aan ku gaaray inay dadkaas ka hortagaan.
Hol