Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

War culus: Halkuu marayaa khilaafka u dhexeeya Ahmed Godane iyo Abu Mansuur

$
0
0

Awdalpress – Muqdisho – 21/08/13 – Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa cirka isku sii shareeraaya khilaafka xooggan ee ka dhex taagan Axmed Godanaha madaxda u ah ururka xag-jirka ah ee Al Shabaab  iyo sidoo kale Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo isna ka tirsan madaxda sar sare ee u dagaallama ururkaasi.

Khilaafkan oo ah mid muddo ka soo dhex taagnaa hor joogayaasha ururka iyo qaa’idkooda Ahmed Godane, ayaa hore uu gacan ka hadal loogu khaarajiyey rag uu ka mid ahaa Af gaan, immigana waxa la sheegayaa inhase ahaatee xilligaan in xaajada ay ka sii dartay colaadda u dhaxaysaana waxa ay maraysaa meel halis ah uu gaadhay is ugaadhsi.

Ciidamada Axmed Godane waxaa la sheegayaa in sida bil dhalatay oo kale ay u baadi goobayaan Mukhtaar Rooboow, halka dhanka Mukhtaar isna sidaa uu Axmed Godane uu u  ugaadhsanaayo.

Saraakiishan ayaa horay ugu dagaallamay degmada Baraawe iyo gobalka Bakool, waxaana ilaa iyo haatan ay yihiin dad aan heshiis ku ahayn in talada Al-shabaab meel la isla dhigo.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles