Waxa nasiibdarro ah in oday-dhaqameedyada reer Awdal, gaar ahaan kuwa Borama ka arrimayaa ay noqdeen qaar aan weligood dhinaca maskaxda wax hore-u-mar ah ka samaynayn haddii xataa cimirigooda loogu daro boqolaal sanno oo kale. Markaad eegto sida ay ugu guulwadaynayaan gudoomiyaha cusub ee gobolka Awadal ee ay ugu kala dheeraynayaan, waxay ku xasuusinaysaa sida odayadani ugu nacamlayn jireen nidaamkii Soomaaliya ka jirey xilligii madaxweyne Siyaad Barre (AUN) dalka xukumayey. Welibaa ku darsoo xukunkaasi wuxu ahaa mid Soomaalidu u dhantahay aqoonsi caalami ahna haysta, haba iska ahaado diktaatoori. Maanta cid kastaa way u madax bannaan tahay inay ayahooda iyo masiirka degaankooda ka tashadaan marka laga reebo reer Awdal oo xuurto lagu haysto, taasoo ay fududeeyeen inta dannahooda gaarka ah fushaynaysa oo ay kow ka yihiin oday-dhaqameedyada iyo ku la hal maala.
Oday-dhaqameedyada Awdal iyo Salal waxay shacabkooda ku jujuubeen oo ay ku qasbayaan inay u dabaal-deggaan oo ay xusaan maalintii shacabkooda sida arxan-darrada ah ay u gummaaday mujrimiintii SNM oo haddana u soo gashaday shaadh cusub oo loogu magac-darray “Somaliland”. Odayadan iyo kuwa la hal maala inay dullinimo qaabiybeen waxa u daliil ah iyagoo maalmihii u dambeeyey ganacsata Borama la dhex wareegayey fijaan weyn oo loogu qarafeeyo damaashaadka la rabo in lagu xuso maanlintii dadkooda sida xaqdarrada ah loo laayey. Waar annagaa war aragnay! Waxan shaki ku jirin in dhalinyarada ka soo jeeda Awdal iyo Salal si wanaagsan uga dheregsan yihiin xaqiiqda runta ah ee maanta ka jirta geyigooda oo dawlad-ku-sheeg hal beel ka kooban oo aan iyaduba sharciyad melena aan ka haysan ugu cagajuglaynayso dhulkoodii halka Oday-dhaqameed-ku-sheegyada badankooduna ay sacabka u tumayaan xukunkan qabiilaysan ee xaaraanta ku dhisan.
Waxay oday-dhaqameedyada reer Awdal iyo Salal ku khamaaraayaan waa mustaqbalka da’yarta illayn iyaga xilligoodii gabaabsi buu ku jiraaye. Cidda shaqadda loogu diidayo hayb qabiil waa carruurtooda. Kuwa jeelka loo taxaabayo maalin kasta iyagoo marmarsiiyo looga dhigayo “Somaliland” baad afka ku taagteen waa carruurtooda. Cidda imtixaanadooda la is-daba marinayaa waa carruurtooda. Kuwa 4.5 wax loogu qaybinyaa waa kuway dhaleen. Dhilinyarada ugu badan ee tahriibka ku dhimataa waxay ka soo jeedaan Awdal iyo Salal, oo weliba u badan kuwii Jaamacadda Cammuud, Eelo iyo machadyada kale ka soo baxay. Imtixaankii ugu dambeeyey ee wasaarad-ku-sheega Maaliyada ee “Somaliland” qaaday waxa si cad looga eexday aradayda ka soo jeedaa degaanada SNM, gaar ahaan kuwa Wasiir-ku-sheega maaliyada. Arrintan waxa si cad uga marag-kacay Fasial Ali waraabe markuu ku tilmaamay waxa Hargeisa ka socda wax aan la qaadin Karin iyo “qaayate qaado”, iyo in cidda la shaqaalaynayaa hore loo sii qorsheeyey (predetermined).
Oday-dhaqameedyada waxan ku boorinayaa inay dhalinyarada faraha ka qaadaan mustaqbalkooda iyo ayahooda ha ka tashaadaane, illayn waxan ay ku ciyaarayaan waa mustaqbalkoodiiye haddii ay iyagu duligan SNM qaayibeen oo ay sacabka u tumayaan guudlwadayaashan beelaysan ee Siilaanyo soo dirsaday, oo ay rabaan inay shacabkooda dhaafsadaan/weydaarsadaan shillimo quudhsi ah,
Jimcaale, ardaygii lagu toogtay Borama isagoo ka dhiidhiya dulmiga iyo dulliga lagu hayo dadkiisa iyo degmadiisa, waxa hadalladiisii ugu dambeeyey ka mid ah: “Waar kolleyba waxan ku dhimanaynaa baddaha (high seas) annagoo tahriib ku jirnee, an dhimano annagoo daafacayno dadkayga iyo dalkayaga”.
Haddii odayada reer Awdal waanadii Jimcaale dhabanka u sii jeediyeen iyagoo caanteeno yar ka doorbiday, dhalinyarada waxan ka amaanayaa sida geesinmada leh ee iyaguna dhabanka kale ugu sii jeediyeen dabaal-degga iyo dammaashaadkii loo sameeyey maaumulka SNM ee eexda iyo caddaalad-darradda ku salaysan. Gudoomiyaha cusub ee gobolka Awdal-na waxan leeyahay xilligii guulwade-nimadu wuu dhammaatay, bustaahaaga ka qaado intaan meesha suurta laguugu afuufin.
Xukuumad-ku-sheega “Somaliland” waxan xasuusinayaa in dabaal degga iyo damaashaadka Borama laga sameeyey aanu waxba kaga gadisannayn kuwii loo samayn jirey dawaladdii kacaanka ee Siyad Barre , kuwaasoo ardayda, shaqaalaha dawaldda iyo hooyooyinka iyo qaar ka midda ururada bulshada la soo qasbi jirey si ay durmaanada u garaacaan. Xuskii Borama ka dhacay waxba kagama duwaani kuwaa aan hore u soo sheegay, waxana ka marag kacaya sawirada xukuuumad-ku-sheega soo saartay oo ay ka muuqdeen keliya aradayda dugsiyada kala duwan ee Borama oo la soo qasbay.
Heeryadii gumeysiga
Ninka hoos ordaayoo
Hebedyahow lagaa badi
Mohamed F Yabarag