Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Bannaan-bax Xoogan oo Ka Dhacay Beled-weyn

$
0
0

Beledweyn(Awdalpress)Banaanbaxaan oo ah mid looga soo horjeedo Sicir Barar ka jira Magaalada Baledweyne iyo Ganacsatada waa weyne ee Magaalada oo diiday qaadashada Lacagta Shilinka Soomaaliga ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Meellaha qaar ayaa la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidanka amniga maamulka oo isku dayay in ay xakameeyaan dadka dibadbaxa dhigaya oo qaarkood dhagax ku tuuraya marka ay arkaan goob ganacsi oo furan.

ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaare waa weyn oo ka dhacay

Kulan deg deg ah oo ay arintan ka yeesheen mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, ayaa laga soo saaray go’aamo adag oo la dul dhigay ganacsatada iyo sarifleyda oo lagu war-galiyay in $ 100- ka doolar aan la sarifi karin wax ka badan (2, 340, 000 ) oo doolar, cid kasta oo amarkaa ka hortimaadana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles