Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Baaq Taageero oo Qurba joogga Reer Nuur u dirayaan odayadii Reer Nuur ee cabashada ka muujiyey Saamiga maamul ee Somaliland.

$
0
0

Baaq RRAwdalpress – London – 23/08/13 -Dhammaan beelweynta reer Nuur ee deggen dalka Ingiriisku waxa ay baaq taageero u dirayaan shirkii ay duqayda beesha reer Faarax Nuur ku qabteen magaalada Borama, maalintii ay taariikhdu ahayd 21/08/2013.

Beesha reer Nuur oo ka mid ah beelaha ugu laxaadka weyn dalka Somaliland ayaa guud ahaanba waxa ay muddo 25 sano ah la jiifeen, dhaawacii ka soo gaadhay dagaalkii sokeeye ee ku dul dhacay.  Muddadaasi oo aanay marna fursad u helin in ay ka hadlaan danahooda, intooda badanna ay dhulkoodii uga qexeen dalalka dariska ah iyo dibadda fog.  Dhibaatooyinka ay ka soo  kaban la’ yihiin ee markhaatiga laga yahayna waxa ka mid ah burburka ku dhacay  magaalooyinkoodii sida Dilla, Magaala Cad, Goraya Cawl, Jaarraa Horoto, Geed-qurux iyo meelo kale oo badan, oo dhammaanba dhulka lala simay, shacabkii deggenaana waxa ay intooda badani maanta qaxooti ku yihiin gobolka Ismaamulka Somaliyeed ee Itoobiya iyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Muddadaasi dheer waxa dalka Somaliland ka dhismay maamul lagu degey, oo dadkiisii ay mahadiyeen. Laakiin beesha ku noqday meel aanay uga muuqan sidii ay dawladihii Somaliyeed uga dhex muuqan jireen. Dalkii bur buray ee ay ka mid ahaayeen  Hargeysa, Burco iyo meela kalena waa la dhisay, waxana ay heleen mucaawino caalami ah. Laakiin nasiib darro, degaanka beelaha reer Nuur oo aad u ballaadhan iyo shacabkiisiiba may helin mucaawino dadka ku soo celiya dhulkoodii. Sidaasi daraaddeed ayey tartammada siyaasadeed ee dalka ka qabsoomay aanay si fiican uga qayb gelin amma ay gaabis ka ahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, sida maanta ay odayda jufada reer Faarax Nuur garteen ayaan taageeraynaa oo aan hambalyeynaynaa, waxanan maamulka dawladda Ahmed Siilaanyo u sheegaynaa, in aanay beeshu dib dambe u sii eegan doonin in lagu dul shaqaysto,  loo dawladeeyo si ay xuquuqdooda u helaan.

Ugu dambaynna waxan maamulka iyo shacabka Somaliland ugu baaqaynaa caddaalad in ay kuwada dhaqmaan, nabadda iyo dawladnimada la wada ilaashado, si simanna looga wada qayb galo maamulka iyo shaqada dawladda.

Mohamedcali Muuse Waabari
UK

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles