Marka hore halkan ka daawa waraysiga oo uu qaaday wariye Ducale:
Awdalpress – Hargeysa – 23/08/13 Wasiir Mohamed Bihi oo ah wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland ayaa ah shakhsi u eg in uu wax weyn weyn ka baddali karo siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo Somaliyaba amma aan idhaahdee guud ahaanba siyaasadda Somaliland, waxana durba uu masraxadda siyaasadda uu waraysigiisani iyo socdaalkii Nairobiba ka muujiyey isbeddel hor leh oo aad uga geddisan geeddi socodka siyaasadda Somaliland ee ku wajahan dibadda.
Mr Bihi ayaa ah aqoon yahan waaya arag ku ah arrimaha dublamaasiyadda caalamiga ah, waxana uu ka soo shaqayeeyey meelo badan oo caalami ah, isla markaana xasaasi ah. Immigana waxa uu u soo digo rogtay in uu dadkiisa iyo dalkiisa la halgamo, sida uu sheegayna waxa ay dawladda Ahmed Siilaanyo ka codsatay in uu la shaqeeyo, isna uu ka aqbalay.
Markii uu immiga shaqadiisii loo igmaday guda galay ayuu durba saluugay qorshaha dhaqaale ee u qoondaysan arrimaha dibadda, waxana uu sheegay in uu u baahan yahay qorshe dhaqaale oo mug leh, waxna uu kaga qaban karo siyaasadda ictiraaf raadinta iyo midnimada ummadda reer Somaliland ee dibadda ku nool uu ku maareeyo. Waxa kale oo uu si dadban u dhalliilay shaqaalaha uu wasaaradda ugu yimid iyo agabka sida dhismaha wasaaradda, halkaana waxa uu ka tilmaamay in ay wasaaraddu u baahan tahay dad waaya arag ah in wasaaradda lagu soo kordhiyo, isla markaana qaban kara shaqada looga baahan yahay wasaaradda.
Sida la ogyahayna waxa reer Somaliland aad loogu xantaa in uu reer kaliya ahi isku xeeray maamulka gudaha iyo dibadda. Dhinaca safaaradaha dibaddana waxa aad uga dhex muuqda dhalliilo aan yarayn, gaar ahaan wakiillada ay Somaliland ku leedahay Ingiriiska, Maraykanka iyo waddammada carabta oo dhan, kuwaasi oo muhiim u ah dheelli tirka siyaasadda dibadda Somaliland iyo habsami u socodka siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland dirkaba. Waxa kale oo iyana aan meesha ka maqnayn in Jaaliyadda reer Somaliland ee dibaddu aad iyo aad u qaybsan tahay, taasina ay fashilinayso siyaasadda gooni isu taagga Somaliland oo caalamku ka dhex arki karo kala qaybsanaan qabiilaysan.
Waraysigan oo haddaba uu qaaday wariye Duale ayaa ka mid ah waraysiyada uu wasiirku kaga hadlay shaqadiisa iyo sida uu u wajihi doono hawsha wasaaradda. Balse, wariye Duale oo ah ruug caddaa saxaafadda in badan ku soo jiray ayaan si luxdan u sii guda gelin meelo badan oo looga baahnaa in uu ka waraysto wasiirka. Dad badanina waxa ay leeyihiin waxan jeclayn in uu wasiirku shakhsiga uu yahay uu isaga laftiisu naskaaya baro, isaga oo bal taariikhaha dhalashadiisa iyo wakhtiyada uu waxbarasha amma shaqooyinka uu soo kala galay noo sheegaya, laakiin aanu wariyuhu sheegin ee uu ag maray. In sidaa loo baahnaana waxa ka dhawaajiyey wariyaha laftiisa.
Awdalpress.com