Awdalpress – London – Xubno magac iyo miisaan leh oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland, ayaa mar ay la soo xidhiidheen shabakadda awdalpress, waxa ay soo gaadhsiiyeen hambalyo iyo bogaadin qiimo leh oo ay u dirayaan Musharrixiinta Madaxweynaha Waddani Abdirahman Cirro iyo M/xigeenka Waddani Amb. Mohamed ALi Aw Abdi.
Sidoo kale waxa ay hambalyo taa la mid ah u dirayaan hoggaanka cusub ee Waddani ee kala ah guddoomiyaha cusub Abdilqaadir Xaaji Ismail Jirde, hoggaamiyaha Waddani Xirsi Ali Xaaji Hassan iyo siyaasiyiinta miisaanka leh ee ku soo biiray xisbiga Waddani. Si gaarna waxa ay u bogaadinayaan Dr. Mohamed Bixi Yonis iyo Dr. Ismail Buubaa oo ah siyaasiyiin qiimo leh.
Xubnahan oo magacyadoodu kala yihiin:
1. Eng. Abdillaahi Hassan Camay.
2. Mohamoud Omer Sh. Ibrahim.
3. Mustafe Ismail Ahmed (Kanadi ).
4. Ahmedweli Sh.Omer Goth.
5. Mohamed Ali Mohamed.
6. Ahmed Mohamoud Ismail.
7. Asha Hussein Maraykan.
8. Koosaar Caydiid
Awdalpress





