Awdalpress -London – Wararka hor dhaca ah ee awdalpress.com ka soo gaadhaya magaalada Hargeysa, Gebilay, Borama iyo Dilla ayaa sheegaya in Musharraxa M/Madaxweyn ku xigeenka xisbiga Waddani iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaamiyaa ay madaxoodii soo gaadheen magaalada Borama, halka ay baabuur 1000 kor u dhaaftay dabada is haystaan illaa iyo Hargeysa.
Wafdiga la socda Musharraxa oo aad u badan, isla markaana ah hoggaankii iyo labeentii xisbiga oo uu Abdirahman Cirro oo kali ahi ka maqan yahay, ayaa hareera socda Amb. Mohamed Ali. Qosolka iyo farxadda wajiyadooda ka muuqataana waxa ay muujinaysaa in Waddani loo filayey ay maanta arkayaan, isku soo baxanina uu yahay ku ka markhaati ka caya in ay Borama tahay meeshii lagu kala baxayey.
Xanta hoose ee dadku ku sheekaysanayaan ayaa hoosta ka xarriiqaysa in cududda aan la loodin karin ee taageerada uu Amb. Mohamed Ali ka soo hooyey galbeed ay tahay mid 100%, sidaana uu ku galbaday xisbiga Kulmiye ee ay musharrax u yihiin Muuse Biixi iyo Abdirahman Zaylici. Farriinta ugu culusina waxa ay ku socotaa Abdirahman Zaylici oo kolba mid liita ama aan dadkiisa sumcad ku lahayn uga gacan haadinaya qurbaha.
Soo dhaweynta iyo dhoolla tuska taageerayaasha Musharraxa M/weyne ee Waddani Amb. Mohamed Ali Aw Abdi ayaa noqonaysa tii nooceeda ah ee abid laga sameeyo gobollada Somaliland.
Sida la soo sheegayo, waxa xidhan dhammaanba meheradaha Magaalada, amniga iyo talada maamul ee magaaladana waxa gacanta ku haya maamulka xoogagga shacabka ee magaalada buux dhaafiyey. Ee aan la arkayn meel usha kordhulka loo tuuraa aanay cidlo ku dhacayn.
Sawirrada, Video yaasha iyo wixii warar ah ee ka soo kordha waxa aad ka daalacan doontaan awdalpress.com, ee isha ku haya.
Awdalpress




