Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

FAALLO XASAASI AH: Sorry Muuse Biixi iyo goodbye Zaylici. Welcome Abdirahman Cirro iyo Mahmed Ali.

$
0
0

faalloMuuse iyo Zaylici way isla hadheen waxanan leenahay GOODBYE saaxibbayaal, shacabkuna waxa ay idin leeyihiin ha idiin macaanaato idinka iyo shacabkii idin taageersanaa ee reer Somaliland. ( Macallinow waxaad fashayba fashaye wa in faatakum)

 

Illaa iyo xilligii la qabtay shirka xisbiga Kulmiye iyo intii ka horreyseyba, waxa marba marka ka danbaysa hoos u sii dhacayey sumcadda, taageerada iyo sharafta xisbiga talada haya ee Kulmiye. Erayada ugu badan ee dadku ku cel celinayeenna waxa ay ahaateen…..MUUSE BIIXI waxa la hadhaya ZAYLICI  ama  may ahayn in uu Zaylici doorasho danbe isku soo taago iyo Muuse Biixi laga dooran maayo Galbeed iyo Bari iyo iyo iyo.

 

 

Ceeb maaha in la is dhalliilo, cayna maaha in siyaasiga wakhtigiisa qaatay la dhalliilo oo lagu naco falalkiisii uu soo sameeyey. Sharaftiisuna waxa ay ku jirtaa in nabad iyo wanaag lagu sagootiyo, sidaasi daraaddeed Zaylici waxa la leeyahay saaxiib GOODBYE. Muuse Biixi oo kursiga u harraaddanaana waxa la sidoo kale la leeyahay GOODBYE.

 

 

Musharrixiinta Madaxweyne iyo M/xigeen ee Abdirahman Cirro iyo Mohamed Ali, waxa lagu soo dhaweynayaa mas’uuliyad dhib badan, eed badan oo ay kaga bixi karaan uun maamul toosan iyo hannaan dawladnimo oo caddaalad ah. Waxana la leeyahay WELCOME WELCOME walaalayaal, oo bal markiina aan idin aragno.

 

 

Sidaasi waa sunnaha siyaasadda dawladnimo, ee dal wal oo dimuqraaddi ahba ka dhacda, waana sida ugu quruxda badan ee la isugu wareejo kursi amma la isugu hanneeyo. Horena uga dhacday Somaliland. Waxana aan filaynaa in ay doorashada la filayo March 1017 la arko dhacdadaasi aan sii qiyaasayno . Waxase muhiim ah oo loo baahan yahay in ay siyaasiyiinta tegeysa iyo kuwa soo socdaa ay shacabka mideeyaan, oo aanay u kala qoqobnaan sidii hore.

 

Marka runta la sheego, gobolka Awdal waxa uu ka mid ahaa meelaha dareenka laga qabay kala sooc sooca shacabka, ee eedda loo tirinayey siyaasiyiinta reer Awdal ee ka mid ah hoggaanka sare ee dawladda. Taariikh xumada ka dhacday gobolkaasina waxa ka mid ahayd, bixitaankii Suldaan Wabar oo dadka qaar leeyihiin waxa uu u adkaysan waayey xadhigii joogtada ahaa ee dadkiisa la bartilmaameedsanayey ama lala beegsanayey amarka lagu xidhanaya laga soo dirayey ama laga soo bixinayey xarunta madaxtooyada ee Hargeysa ama hay’aadka amniga ee saldhiggoodu yahay Hargeysa.

 

Sidoo kale waxa shacabka reer Awdal ay isha ku hayaan horumar la’aanta gobolka ee adeeg ama maamul, ee amni, ee shaqo la’aan iyo macdanta Buurta Siimoodi oo loo xidhay dad gaar ah, shacabkii dhulkaa deggenaana aan haba yaraatee, wax wada tashi ah lagala samayn. Mashaariicda ganacsiga sida Korontada iyo adeegyada bulshada ayaa iyaguna ah kuwo tilmaaman, oo loo xidhay dad gaar ah.

 

Isku soo wada duuboo, waxa aan shaki ku jirin in maamulkii Kulmiye ee looga bartay musuqa iyo is daba marinta ama kal jeclaysigu aanu halkii ka sii socon doonin. Haddii ay wasiirro kala baddalaan iyo haddii kalena aan laga filayn wax is beddel ah.

 

Awdalpress

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images