INNAA ILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
KULLU NAFSIN DAA’IQATUL MAWT.
Hawl wadeennada shabakadda Awdalpress.com waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diyaraan wiilka qaaliga ahaa Marxuum Ismail Muhumed Suldaan ee saaka shilka ku galay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Borama, waxanan Ilaahay uga baryeynaa in uu Jannadii ka waraabiyo, eheladiisiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa dadkii galbinayey wafdigii xoogga lahaa ee uu hoggaaminayey musharraxa M/xigeenka Waddani Amb. Mohamed Ali, waxana la sheegayaa in shil baabuur oo dhacay uu ku dhintay marxuumkaasi.
Ilaahay dhammaanba dadka reer Somaliland, gobolka Awdal iyo eheladiisiiba samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Aaammiin






