Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shir madaxeedka IGAD oo la shaaciyey xilliga uu dhacayo

$
0
0

hadliyeAwdalpress – London – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa ku dhawaaqay xilliga magaalada Muqdisho lagu qabanayo shir madaxeedka urur goboleedka bariga Afrika ee IGAD.
Hadliye ayaa sheegay in tobanka bishan uu shirku si rasmi ah uga furmi doono Muqdisho, islamarkaana ay ka soo qeybgali doonaan madaxda iyo wafuud ka kala socotay IGAD iyo dalalka taageera.
Wasiirka ayaa si gaar ah u carabaabay in hoggaamiyeyaasha ka soo qeybgeli doono ay kamid yihiin madaxweynayaasha dalalka Uganda, Sudan, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Sudan iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Soomaaliya ayaa isu diyaarineyso martigelinta shirkan heerka gobol oo noqonayo markii ugu horreysay muddo ka badan 20 sano oo gudaha dalka lagu qabto.
Goor sii horreysay, ayaa shir ay madaxda IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa ay ka shaaciyeen in shirkooda xiga Muqdisho lagu qabanayo.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images