Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidanka Police-ka Somaliland ee gobolka Saaxil oo Berbera ku qabtay nin dil geystay oo magaalada ku dhuumanaya.

$
0
0

Awdalpress – London – Ciidanka Police-ka Somaliland ee gobolka Saaxil ayaa xalay gacanta ku dhigay nin loo haysto dilka marxuum uu toddobaadkii hore ku toogtay xaafadda Xero-Awr ee magaalada Hargeysa, marxuumkaasi oo uu danbiilahani ugu dhex galay kuna dhex dilay meheraddiisa oo ahayd Dukaanka daawooyinka lagu iibiyo.

 

Taliyaha Police-ka Somaliland sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa xalay wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in ciidanka Booliska gobalka Saaxil ay ninkaas gacanta ku soo dhigeen isla markaana dhawaan sharciga la horkeeni doono. “Ninkaas waanu soo qabanay, gacanta ciidamada Booliska ayaanu ku jiraa, waxaanan ku qabanay deegaanka Berbera.” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliye Fadal, wuxuu u mahadceliyay ciidanka Police-ka gobalka Saaxil iyo dad muwaadiniin ah oo uu sheegay inay gacan ka gaysteen qabashada ninkan, “Waxaan u mahadcelinayaa ciidanka booliska gobalka Saaxil oo masuuliyad iyo dedaal muujiyay, sidoo kale dad muwaadiniin ah ayaan iyagana u mahadcelinayaa oo gacan ka gaystay qabashadiisa.”

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images