Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Eedeymo Musuq-Maasuq oo Hadheeyey Doorashooyinka Somaliya

$
0
0

doorashoAwdalpress – London – Waxaa weli jira eedo la xidhiidha in siyaasiyiinta Somaliyeed ay faro-gelin ku hayaan hannaanka doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka Somaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa xalay war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay inaan faro-gelin lagu samaynin odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu si gaar ah baaqaas ugu jeediyey hay’adda nabad sugidda qaranka, taasi oo maanta beenisay inay wax faro-gelin ah ku hayso doorashooyinka.

Dhinaca kale, xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa diiday inay ka qeyb gasho doorashadii maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee kursiga beesheeda, ayada oo tirsaneysa qaladaad.

 

VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images