Awdalpress – Dilla – Magaalada Dilla oo ka mid ah degaannada ay ku soo qaxeen dadkii abaaraha ka soo qaxay, ayaa la sheegayaa in ay dadka degaanka Dilla iyo nawaaxigeedu ay si gobanima leh u soo dhaweeyeen. Waxana ay walaaltinnimo, muslinnimo iyo bani’aadamnimaba ugu oggolaadeen in biyo iyo baadba wixii ay haysteen la wadaagaan.
Dadkaa soo qaxay iyo dadkii beeralayda ahaa ee degaanka, oo ka baqayey biyo yaraanta iyo abaarta ayaa Ilaahay u shubay raxmaddiisii, waxana degaannadaasi ka da’ay roobab mahiigaan ah, kaasi oo waxyeello u geystay xoolihii tabarta darraa ee dadkaa soo qaxay ay wateen.
Maamulka iyo waxgaradka degaanka oo sidii dadkaa loo caawin lahaa ka hadlay ayaa baaq u diray dawladda Somaliland iyo beesha caalamka. Waxana ay codsadeen in si deg deg ah loo soo gaadho degaanka, si wax loogaga qabto dhibta uu roobkaasi keenay iyo daryeel bay yidhaahdeen ay dadka abaaraha ka soo qaxay u baahan yihiin.
Awdalpress





