War goor dhaweyd soo gaadhay shabakadda wararka awdalpress.com ayaa sheegaya in uu geeriyooday Nuux Bakhadle ( oo ahaa Oday qiimo badan oo reer Awdal ah), waxana uu ku geeriyooday magaalada JigJiga. Marxuumkan oo ka mid ahaa odayada ugu qiimaha badan degaannada Somaliland, gaar ahaanna gobolka Awdal ayaa muddo xanuun u jiifay, maantana waxa uu ku geeriyooday magaalada JigJiga oo uu uga soo baqoolayey dhinaca Dilla.
Marxuum Nuux Barkhadle ayaa ahaa nin ku weyn dadkiisa iyo dagaanka uu ka soo jeedo, waxana uu ahaa ururshe, nabad ilaaliye, halgamaa iyo geesi. Waxa uu ahaa xaq u dirir aan marnaba oggolayn gardarrada iyo caddaalad darrida, sida lagu yaqaannayna waxa uu cod dheer ugu hadli jiray qof kasta oo dulman.
Geeriyey xishood laay,
xajiyaay fogeeyaay,
xaashaa’e aftahannimo,
xeel dheereheedii,
haddii uu xabaal galay…
Innaa lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.
Hadddii aan nahay bahda shabakadda awdalpress.com, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Eheladii Marxuumka oo aan leenahay samir iyo iimaan Allaha innaga siiyo. Goor dhawna waxa aan soo gudbin doonnaa bogaggii tacsida ee ay soo dirayeen shacabkiisa iyo asxaabtiisuba.
Awdalpress.com