Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Tacsi ku socota eheladii Nuux Barkhadle Jibriil

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAHAYI RAAJICUUN

 

 

Tacsi Nuux

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“…Xiddigihii Dilaadee

Daadanaayay waayadan

Maantana qod baa dumay

Dabayshaygu soo furay

            ***

Geeridu daliilkiyo

Distoor Eebbe weeyoo

Kolla diidi maayee

Waxa diiqa igu riday

Waa sidaan daloolkiyo

Daaqaday banneeyeen

Dabool loogu heli karin

Cidi uga dambaynayn..”

Bashir Goth,  January 16, 1982

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaana ka soo jeeda degaanada Awdal, ee deggan Imaaraadka Carabtu waxa ay tacsi tiiraanye leh u dirayaan eheladii, saxiibbadii iyo dhammaan dadweynaha Reer Awdal geerida ku timid Nuux Barkhadle oo ka mid ahaa hal doorka reer Awdal ee muddada dheer deganaa Imaaraadka Carabta immikana ka mid ahaa oday dhaqameedka aadka uga muuqda gobolka Awdal,  gaar ahaana degaanka Dilla.

Alllaha u Naxariistee Nuux Barkhadle oo ahaa reer Jubuuti, waxanu ka mid ahaa dhallinyardii halgankii gobanima doonka Jubuuti door libaax ka soo qaatay. Wuxu muddo ka shaqaayey Sucuudiga inta aanu u soo digo rogan Imaaraadka Carabta. Kacaankiisii hore wuxu ku soo barbaaray deegaanka Dilla iyo Wajaale oo ka soo bilaabay baayacmushtar.

Wuxu Nuux Barkhadle ahaa raga fara ku tiriska ah ee ka hadhay hal doorkii aqoonta u lahaa dhaqanka, murtida iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed ee la iska dhaxlo. Wuxu ahaa nin geesiya oo ku caan baxay deeqsinimo, aftahannimo iyo garaad badan.

Eebbe Jannadii firdowsa ha ka waraabiyo, eheladiisii iyo intii jeclaydbana Ilhaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo – Aamiin.

Tacsida waxa diraya:

  1. Cumar Ibrahim Kulle (Cumar Dubai)
  2. Bashiir Sheekh Cumar Good
  3. Dr. Sacad Xaaji Xirsi Cawaale
  4. Maxamuud Ducaale Daahir
  5. Xaaji Cabdillaahi Cali Bahal
  6. Maxamuud Xasan Sacad
  7. Cabdiraxmaan Cumar  Sh. Ibrahim
  8. Eng. Ahmed Cabdillahi Roble
  9. Cabdiraxmaan Xaaji Axmad Miisaan
  10. Cumar Axmad Barre
  11. Axmad Sheekh Cumar Barkhad
  12. Cabdirashiid Ibrahim Kulle
  13. Maxamuud Cabdinaasir
  14. Cumar Adam Liibaan
  15. Saciid Cabdillaahi Iimaan
  16. Najeeb Cabdillaahi Ismaaciil
  17. Xasan Jama Abrar
  18. Nuux Yusuf Tukaale
  19. Cabdilqaadir Xasan Maxamuud
  20. Maxamuud Ibrahim Faarax
  21. Mahdi Aw Xasan Wacays
  22. Muuse Aw Xasan Lo’doon
  23. Maxamad Ismaaciil Giirre
  24. Maxamed Ahmed Obsiiye (Ina Goodir)
  25. Yasiin Xoosh
  26. Daahir Xasan Lo’doon
  27. Daahir Cali Wacays
  28. Cumar Dugsiiye
  29. Maxamad Faarax Yaabarag
  30. Ibrahim Aadan Shiil
  31. Xuseen Muuse (Suufi)
  32. Geeddi Maxamuud Aqli (Qarni)
  33. Cumar Cabdillaahi Sabban (Bidhiidh)
  34. Axmad Xasan Caynaan
  35. Saciid Barkhad Cabdillaahi
  36. Xuseen Dahir Mixile
  37. Ibrahim Cabdillaahi Xandulle

 

Iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Imaaraadka Carabta ee aadka u garanaya magaca iyo martabada uu laahaa Nuux Barkhadle Allaha u naxariistee.

Tacsida waxa aad noogu soo hagaajisaan:

shueebi@hotmail.com

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles