Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

TV qaranka Somaliland iyo Wasaaraddii Warfaafinta oo warmaha isku haysta, beelo loo kala habar wacanayo iyo xalka dawladda laga sugayo.

$
0
0

Saxaafadda Maamulka Somaliland oo weligiiba aad u liitay ayaa maanta maraya meeshii ugu hoosaysey. Qaladka ugu weynina waxa uu dhacay markii TV qaranka Somaliland laga hoos saaray wasaaradda warfaafinta, waa haddii aan sida saxa ah wax u sheegayno. Ta ka horreysey ee wax sii qastayna waxa ay ahayd markii TVga qaranka oo  lagu ururiyey shaqaale beel kaliya ka soo wada jeeda. Iyada oo ujeeddada gaar  malaha laga lahaa ay ahayd in ay reer Magaalka Hargeysi  xantooda iyo dacaayadda joojiyaan illayn waa dad magaalee, isla markaana bartaan sida loo faan faaniyo amma loo ammaano dawladda. Sidaasi awgeed ayaana looga wada shaqaaleysiiyey TVga Somaliland. Laakiin dadkii markii ay sidaa ogaadeen ayey daawashadii TVgaba neceen. Xataa wariyayaashii sida fiican wax u sheegayey, ee barnaamijyadoodu ay tayada lahaayeen, ayaa sababtaa loo nacay.

Waa sida dad badani aamminsan yihiine, waxa dawladda Ahmed Siilaanyo ku shaqaysaa siyaasado qoto dheer, oo ay weliba samirkeeda leedahay, waxana ay cagafta middideeda ku riixaysaa qashin fara badan iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara geeddi socodka maamulkooda. Sidaasi daraaddeed, saxaafadda oo ka mid ah kuwa ugu adag ee lagu dagaallamo wakhtigan casriga ah,  ayaa mid mid looga takhallusayaa jariiradaha afka dheer iyo kuwa qora ee looga cabsi qabo in ay khal khal ku ridaan geeddi socodka maamulka Somaliland, waxana hore si farsamaysan loo xidhay shabakaddii Jamhuuriya ee muddo khaatiyaanka laga joogay, kooxdii qori jirtayna waxa laga wada shaqaaleeyey TV qaranka Somaliland. Immigana xaal waxa uu marayaa in qorshe cusubi uu ku socdo kooxdii.

Dacaayadda suuqyada Hargeysa marka la kaftamayo, waxa la odhay jiray waxa u haystay Ciida-galaha, Nuux Ismailkuna waa ku xigay. Dee mar haddii ay labaasi tartanka ku wada jireen, maanta waxa ay soo gaadhay faynalkii, iyaga oo u kala qaybsan Wasaaradda warfaafinta iyo TViga qaranka,  waxana loo kala baxay koox uu Cukuse wato oo ku cayaaraysa magaca Ciide Gale iyo koox uu Khadar Gaas wato oo ku cayaaraysa magaca Xuseen Abokor. Waxa la sugaana waa kooxda koobka qaadda.

Wararka illaa immiga la hayaana waa Wasiir Cukuse oo wariyihii Bul Bul ka eryey shaqadii iyo maamulka TVga qaranka Somaliland oo diiddan shaqo ka eryiddaasi. Madaxtooyaduna wax ay lug ku leedahay ma jirto.

Maxaa dawladda looga fadhiyaa? waxa looga fadhiyaa in ay dib u eegis ku samayso guud ahaanba saxaafadda iyo dadkeeda, waana in ay meesha ka saartaa cunufka, kal jeclaysiga iyo beelaysiga wasaaradda iyo TVga galay.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles