Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo ku sugan dalka Emaratka, halkaana kaga qayb galaya shir dalkaa ka dhici doona.

$
0
0

Awdalpress – Abu Dhabi – Wasiirka  Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, oo maanta ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa dalkaasi  kaga qeyb galaya shir caalami ah oo lagaga hadlayo xakamaynta budhcad-badeedka. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Qarrammadda Midoobay oo kaashanaysa midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ayaa waxa ka qayb gelaya dawladaha geeska Afrika iyo kuwo kale.

Wararka ka imanaya dalka UAE ayaa xaqiijinaya in uu wasiirku u yimid arrintaasi, waxa kale oo uu la kulmi doonaa qaar ka mid ah madaxda dalka Emeraatka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ahmed Yuusuf Cilmi ( Suudi )  ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalka weftiga Wasiirka, waxaanu yidhi “Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu maanta ( shalay ) socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu sii marayay dalka Jabuuti oo uu saacad ku nasanayay, waxaanu caawaba uga sii gudbayaa Magaaladda Adis-ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu berri uga sii gudbayaa dalka Imaaraadka Carabta,halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay qarrammadda midoobay oo kaashanaysa midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD.”

“Shirkan waxa ka soo qeyb galaya dalalka gobolka iyo wadammadda aafadda tahriibku ay saamaysay ee caalamka. Waana shir sannadle ah oo lagaga hadlo sidii loo xakamayn lahaa budhcad badeedda oo waxyeelo weyn ku haysa ganacsiga caalamka,”ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.

Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi) waxa uu sheegay socdaalka Wasiirka ee dalka Imaaraadka carabta in uu ku weheliyo Agaasimaha xafiiska la dagaallanka budhcad badeedka Somaliland Md. Maxamed Cismaan.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in lagu wado in weftiga Wasiirka Khaarajigu ay dalka dib ugu soo laabtaan maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa.

Somaliland.org

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles