Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Golaha Senate-ka dawladda Maraykanka oo oggolaaday weerarka Suuriya

$
0
0

Bashar al-Asad

Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa lagu eedeynayaa in uu adeegsaday hubka kiimikada

Xubnaha aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa oggolaaday qaraar qabyo ah oo u oggolaanaya madaxweyne Obama in weerar uu ku qaado Suuriya.

Qaraarkan waxaa u dhiman in si rasmi ah ay u ansixiyaan golayaasha sharci dejinta ee dalka Maraykanka.

Arrintan ayaa la filayaa in loo codeeyo toddobaadka soo socda.

Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee golayaasha baarlamaanka, John Boehner, ayaa sheegay in uu taageersan yahay tallaabada militeri oo uu madaxweyne Obama doonayo in uu ka qaado Suuriya.

Boehner ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maraykanku farriin digniin ah u diro Suuriya si aysan u adeegsanin hubka kiimikada.

Obama ayaa sheegay in uu doonayo in Suuriya uu ku qaado weerarro kooban oo lagu wiiqayo awoodda ciidammada madaxweyne Bashar Al Asad.

Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa lagu eedeynayaa in hubka kiimikada uu u adeegsaday dadka reer Suuriya.

Laakin qaraarkan qabyada ah waxa uu mamnuuc ka dhigaya in ciidammada dhulka ee Maraykanka loo diro dalka Suuriya.

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles