Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Puntland oo qorshaynaysa in ay gabi ahaanba qabsato gobollada bariga ( sida magaalooyinka Laascaanood, Buuhoodle iyo Taleex ) waxana ay immiga saldhig ka dhigteen Taleex, Khaatumana waxa u socda shir hoose.

$
0
0

Awdalpress – Taleex – 04/09/2013 – Dhawaan ayey ahayd markii uu Madaxweyna ku xigeenka Puntland Janaral Shire uu magaalada Taleex ku yimid booqasho uu ku soo galay ciidan xooggan oo aad u hubaysan, waxanu socdaalkiisan ugu magac daray socdaalkii nabadda iyo is dhex galka.

Taleex oo ahayd meeshii lagu aas aasay maamulka la baxay Khaatumo, ayaa ah magaalada uu ka soo jeedo Madaxweyna ku xigeenka Puntland, markii uu socdaalka ku yimidna si weyn ayaa dadweynihii magaaladaasi u soo dhaweeyeen.

Dhinaca kalena waxa uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu socdaalkaa kaga fal celiyey hanjabaad afka baarkiisa ah, oo uu ugu digayo maamulka Puntland, balse maamulkaasi hanjabaaddaasi dhag jalaq uma siin, xukuumadda Somalilandna dib ugama ay hadal.

Sidoo kale Janaral Shire waxa kale oo uu ku talo jiraa in uu Buuhoodle booqdo, isaga oo sheegaya in uu dadkiisa u wado qorshayaal horumarineed. Gaar ahaan baahida aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka iyo waxbarasha oo uu sheegay in uu wax ka qabanayo. Intii uu Taleex joogayna waxa uu dhagax dhigay dugsi sare oo laga dhisi doono magaaladaasi.

Guud ahaanba dadka gobolladaasi deggen ayaa waxa ka muuqda diif iyo tabar darro fara badan, waxana ragaadiyey colaado iyo dagaallo wajiyo badan. Dhallintii mandiqaddaasina waxa ay u go’een in qoriga AK-ha ahi uu garbaha xoodhiyo, balse waa sida ay aamminsan yihiine,  ay rajo ku qabaan in ay ujeeddadooda gaadhi doonaan. Oo maalin maalmaha ka mid ah ay ku faani doonaan in ay dhiiggooda u soo hureen xorriyadda ay haystaan. Isuguna yeedhi doonaan Mujaahid, geesi iyo dagaal yahan.

Laakiin waxa nasiib darro ah in ay xilligan aad u kala daadsan yihiin, hilbahoodana uu haadku ka dhargey, maamullada hareeraha ka xigana ay la colloobeen oo ay u arkaan beelo doonaya in ay gumaystaan, rartaan oo ay ku xoolo badsadaan Haddaba,  inkasta oo aan immiga la garanayn waxa ka soo naasa cad dhinaca Puntland oo  doonaysa in ay si nabad ah  kula wareego gobolladaasi, iyaga oo ka faa’iidaysanaya  haybta qabiil ee aywadaagaan.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images