Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajucuun.
Waagii baryaaba waayihiisa lehe
Waxan saaka indhaha ku kala qaaday geeriddii xaqa aheyd laakiin xanuunka iyo tiiranyada ku ahed dadweynaha uu ka baxay qoyskii uu ka baxay ka sokow marxuum Nuux Barkhadleh Jibriil
oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmooyinka Baki iyo Dilla.
Aniga oo ah Maxamad Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh, kuna sugan dalka Koonfurta Suudaan magaalo madaxdiisa Jubba, isla markaana ku hadlaya magaca qurba joogga reer Nuur iyo ka Jaaliyadda South Sudan, waxan Ilaahay ka baryayaa inuu marxuumka Jannutul Firdowsa ka waraabiyo, dhammaan dadka uu odayga u ahaa ee degmooyinka aan soo sheegayna sabar iyo iimaan ka siiyo Aamiin!aamiin!aamiin!.
Waxan si gaar ah taci ugu gudbinayaa qoyskii uu ka baxay marxuum Nuux Barkhadle, aniga oo u dardarmaya sabar iyo iimaan iyo inay aad ugu duceeyaan waalidkooda xaqii haleelay – taas ayaa isaga maanta sahay iyo dambidhaaf u noqoneysa eh.
Bulsahaweynta uu odayga u ahaana sidoo kale waxan uga codsanayaa inay marxuumka Ilaahay u baryaan dambidhaaf iyo naxariis fara badan; isla markaana halkuu ku banneeyey iLaahay badal kheyr leh u siiyo. Aamiin! Aamiin! Aamiin! insha Allah.
Innaa lillaahi wa innaa iolayhi raajucuun.
Maxmad Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh
Juba – South Sudan.