Awdalpress – London – Wafdi ballaadhan uu hoggaaminayey guddoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Abdirahman Abdillaahi Cirro, oo miisaankiisu muuqaal gaar ah lahaa, ayaa maalintii shalay ahayd ka anba baxay dalka Britain. Waxa si ballaadhan u sagootiyey Jaaliyadda reer Somaliland oo aan u kala hadhin.
Wafdigan oo muddo bil ku dhaw, ku jiray socdaallo ay ku marayeen dalalka Yurub, ayaa mar ay shabakadda awdalpress.com u kuur gashay socdaalkaasi, ay heshay xogo tibaaxaya in ay socdaalkoodani ahaa mid guul weyn u soo hooyey xisbiga Waddani.
Hoggaanka xisbiga Waddani ee wafdiga hoggaamiyey, oo ay hormood u ahaayeen labada musharrax ee u tartamaya jagada Madaxweyne ( Abdirahman Cirro ) iyo ku xigeen ( Amb. Mohamed Ali Aw Abdi ), isla markaana ay wehelinayeen guddoomiye Jirde, Hoggaamiye Xirsi, Fadumo Siciid, Muniir Ahmed iyo Haybe, ayaa ahaa wafdi miisaan mug leh, waxana ay maalin walba saacado badan la kulmayeen taageerayaasha xisbiga Waddani iyo waxgarad jaaliyadaha reer Somaliland.
Sidoo kale waxa ay wafdigani ka qayb galeen shirar caalami ah, iyaga oo uga warramay abaaraha iyo dhibaatada ay keentay kana codsaday in ay si deg deg ah kaalmo ula soo gaadhaan dadka abaaruhu bara kiciyeen. Waxa kale oo ay uga warrameen xaalka siyaasadeed gaar ahaan doorashooyinka loo diyaar garoobayo, dhaqaale iyo horumar ee dalkii marayo.
Ujeeddada ay wafdigani u socdeen oo aan ahayn uun ololaha doorashada, ayaa misna ay culayska saareen sidii ay kaalmo ugu heli lahaayeen abaaraha dalka ka taagan iyo macaluusha ay keentay. Meel kasta oo ay soo mareenna waxa ay si ballaadhan uga warbixiyeen marxaladda adag ee dhinac walba leh ee dalkii Somaliland marayo.
Haddaba shalay oo ay wafdigaa ballaadhani ka dhoofayeen maddaarka caalamiga ee ku yaalla London, loona yaqaan Heathrow Airport, ayey awdalpress fursad u heshay in ay wafdigii xisbiga ula kulanto xubin xubin, waraysiyo kooban oo aan la yeelannayna sidan ayuu u dhacay:
Mar aan la kulannay Fadumo Siciid waxa ay noo sheegtay in ay socdaalkoodani uu ahaa mid guul weyn u soo hooyey xisbiga iyo dalka Somaliland, hadday noqon lahay guddiyadii UK iyo Yurub ee xisbiga Waddani oo ay dib u dhis iyo qaabayn cusub u sameeyeen iyo guud ahaanba kulanno caalami ah oo ay ka qayb gashay. Sidoo kale waxa ay Fadumo noo sheegtay in Jaaliyadaha reer Somaliland ee Yurub u ballan qaadeen dhaqaale ay la garab is taagaan dadka abaaruhu halakeeyeen ee dacdarraysay tuulooyinka iyo baadiyaha Somaliland daadsan. Fadumo waxa ay si saraaxad leh noogu sheegtay in ay dadka reer Somaliland yihiin dad wanaagsan oo la xumaynayo, dad raba in ay ka gudbaan qabyaaladda iyo maamul xumada ku habsatay. Xisbiga Waddani iyo rajadiisa mar aan wax ka weydiinnayna waxa ay si qosol ku jiro noogu sheegtay in ay 100% aamminsan tahay in uu guulaysanayo.
Muniir Ahmed Cigaal oo aan isna ka mid ahaa wafdiga ayaan wax ka weydiinnay, socdaalka wafdiga iyo wixii u qabsoomay. Waxana uu noo sheegay in uu ku faraxsan yahay socdaalka xilligan ay ku yimaaddeen Yurub. Guuli in ay xisbigooda u soo hoyatay ayaanu hadalkiisii ku soo khatimay.
Sidoo kale waxan isna la kulannay Xirsi Xaji Ali, oo runtii ahaa ninka ugu fir fircoon wafdiga, dad badanina ay saf ugu jireen. Waxana uu noo sheegay in socdaalkoodani ahaa mid wada tashi, mid is xog warsi iyo mid ay warbinno ku kala qaadanayeen jaaliyadda reer UK iyo Yurub. Shacab badanina uu xisbigooda Waddani soo dhaweeyey.
Guddoomiyaha xisbiga isla markaana ah musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Mudane Abdirahman Abdillaahi, ayaan isna si gaar ah ula kulannay, si muuqaal farxadeed leh ayaanu noogu warramay, mar aan wax ka weydiinnay socdaalkoodan iyo wafdigan ballaadhan ee ay wada socdaan iyo waxa uu daarran yahay, waxa uu noo sheegay in uu ahaa socdaal muddaba shacabka reer Somaliland ee Yurub ay filayeen in ay ugu nimaaddaan, waxana uu ahaa buu yidhi socdaal muhiim ah oo aan gaadhnay ujeeddadii aan u soo baxnay.
Amb. Mohamed Ali oo ah musharraxa jagada M/xigeenka ayaa isna ahaa siyaasi ku faraxsan socdaalkan, waxana uu hoosta ka xarriiqay in ay guulaysan doonaan. Mar aan wax ka weydiinnay gobollada galbeedka iyo fara gelinta la sheegayo in ay dawladdu ku hayso, waxa uu kaga jawaabay, arrintaa waan ognahay si adag ayaanan uga hadli doonaa. Aniga ayeyna gaar ii taabanaysaa.
Wafigan oo ay hareera socdeen dad badan oo reer Somaliland ah, ayaa waxa hor kacayey guddoomiyaha cusub ee laanta UK Mudane Mohamed Ali iyo ku xigeenkiisa Abdi Egeh Good, waxa kale oo ka mid ahaa dadkii sagootiyayey Mudane Hassan Khalif oo ka mid ah musdanbeedka xisbiga iyo xubno kale oo ka mid ah guddiga UK iyo ka Yurub.
Mar ay shabakadda awdalpress ku kuur gashay dadkii halkaa ku sagootiyayey wafdiga, waxa u soo baxay muuqaal aan ku salaysnayn mid qabiil. Shakhsiyaadka rag iyo dumarba lahaa ee wafiga sagootiyeyna waxa ay ahaayeen mid gobol wal oo Somaliland ahba isugu jiray.
Awdalpress.com





