Awdalpress – London – Waxa ay siyaasaddii soo Somaliland madaxa la gashay wakhtigii ololaha doorashada. Sida xilligan oo kale lagu yaqaanno, waxa loo kala guur guurayaa garoonnada xisbiyada. Xisbi wallibana waxa uu ku dadaalayaa sidii uu u heli lahaa shaqsiyaadka bulshada.
Maanta uun maahine, baryahanba waxa hab beelaysan iyo hab degaanba la isku waydaaranayey oo loo kala gudbayey xisbiyada tartamaya gaar ahaan Waddani iyo Kulmiye. Waana bilow siyaasadda noocan ahi. Xaalka tartanka ee sannadkanina waa mid adag oo aan weli la saadaalin karin xisbiga guusha heli doona. Baayaca iyo is xod xodashaduna meel aan hore loo arag ayey maraysaa. Khilaafka hoggaannada xisbiga iyo waxgaradka isku aagga ka wada dagaallamayaana waxa mar walba laga dareemayaa xurguf iyo yoo-yootan aad u adag.
Ciyaari waa gellin danbee, bal hadda faallada aan dib u dhiganno,oo aan u gudubno taageerayaashan aan daawan doonnaa degaanka amma beesha ay ka soo jeedaan iyo sababta ay uga soo diga rogteen ee ay dadka u sheegayaan.
Awdalpress





