Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shacabka reer Somaliland oo ay soo wajahday cabsi ay ka qabaan in ay xukuumadda Ahmed Siilaanyo ku dul dunto iyo doorashadii sannadka dhici lahayd oo shaki badani hadheeyey.

$
0
0

Dabcan meel kasta oo ay shacabka reer Somaliland ku sugan yihiinba, waxa ay muddaba is warsanayaan dareenka iyo shakiga laga qabo xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Ahmed Siilaanyo. Waxase la og yahayn uun in uu Madaxweyne Ahmed iyo wafdi ballaadhan oo la socdaa ay  joogaan Emirates-ka. Saxaafadduna waxa ay soo tabisay siyaasiyiin sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo la il-daran yahay arrimo la xidhiidha caafimaadkiisa iyo xukuumadda oo ka hadashay.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in warka noocaasi ah ay wax ka jiri karaan, maaddaama uu in badan soo noq noqday. Balse xaaladda Madaxweynaha ee laga hadlayaa aanay sidaa u sii xumayn. Laakiin aanay xukuumaddu doonayn in ay shacabka u sheegaan sida ay wax u jiraan. Inkasta oo uu af-hayeenka xukuumaddu dhawaan ka hadlay, isaga oo meesha ka saaray in uu madaxweynuhu u baxay xaalad caafimaad darro. Halka uu haddana raaciyey in xaaladda Madaxweynaha ay ka war hayaan marwada madaxweynaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Maaliyadda,  wiilasha uu dhalay Ahmed Siilaanyo, safiirka Somaliland ee Emirate u fadhiya ee uu Siilaanyo soddogga yahay.

Nala dhegeysta war-saxaafadeed arrintaa ku saabsan oo uu ka bixiyey af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland mudane Hussien-dayr.

 

Hadal haynta caafimaadka Madaxweynahu markii ay saamayn badan ku yeelatay bulshada reer Somaliland, ayaa isla madaxweyne Ahmed Siilaanyo ka hadlay xaalkiisa, waxana uu yidhi:

Waa sida uu hadalka u dhigay madaxweynuhuye, caafimaadka iyo xanuunkaba Ilaahay ayaa keena. Waxase dawladnimada dhaqan u ah in aan lagu deg degin shaacinta haddii uu xanuun soo wajaho Madaxweynaha dal. Sida horeba uga dhacday dalal ka mid ah dunida. Gaar ahaan dunida saddexaad. Laakiin xisbiyada mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta aadka uga soo hor-jeeda dawladuhu waxa ay mar walba raadiyaan dhiillada dawladda iyo madaxdeeda. Tusaale ahaan, markii uu xanuunka darani haleelay ra’iisal Wasaarihii Ethopia Atto Males, waxa ay dawladdu qarinaysey muddo, laakiin mucaaridku waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba u koreen sidii ay dadka ugu soo bandhigi lahaayeen xaaladdiisa daran.

Dhinca kale waxa iyaduna mid wax la iska weydiiyo ama laga sheekaysto noqotay, haddii si Allaba badane uu madaxeynuhu meesha ka baxo doorashada horteed sida xaal noqon doono…..Cidda Madaxweyne ku meel gaadh ah noqon doonta ama care taker…..muddada dib loo dhigi doono doorashadu in ay noqon doonto laba sano mise in ka badan.

Dadka intooda badani waxa ay leeyihiin waxa la raaci doonaa distoorka, waxana laba sano Madaxweyne dalka ka noqon doona Madaxweyne xigeenka Zaylici oo immigaba ku sii sima ah. Halka ay dad badan oo kale leeyihiin, Madaxweyne ku xigeenku ma wada noqon karo, musharrax iyo Madaxweyne ku meel gaadh ah (laakiin meel ay sharciga kaga qoran tahay lama hayo ), sidaasi daraaddeed waxa madaxweyne ku meel gaadh ah noqon doona guddoomiyaha guurtida mudane Saleebaan gaal.

Gaba gabadii, haddii ay xaalad kala guur oo noocaasi ahi timaaddo, oo ay golayaashu ku heshiin waayaan mas’uulkii loo igman lahaa Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxa dhici karta in ay ciidammada dawladdu la wareegaan xukunka si ay u badbaadiyaan qarinnimada iyo dawladnimada. Taasina waxa ay saamayn ku yeelan doontaa doorashooyinka. Oo waxa dhici karta in xisbiga Kulmiye uu ciidammada taageero.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images