Awdalpress – London – Wasiir Mohamed Abdillaahi Obsiye oo ah wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa maalintii shalay ahayd kormeer hawleed ku tegey degaannada Jaarraahoroto iyo Cad cad oo ay ka socdaan mashaariic biyood. Waxana uu halkaa kula kulmay bulshada degaankaasi iyo oday dhaqameeyadooda. Si wada jir ahna waxa ay isula qaateen sida loo horumarin lahaa degaankaasi. Gaar ahaan sidii biyo gelin iyo goobo ay dadka iyo xooluhu ka cabbaan loogu samayn lahaa degaankaasi, gaar ahaan Jaarraahoroto.
Wasiirku intii uu kormeerka ku marayey degaankaasi, waxa kale oo uu booqday xarunta caafimaadka ee ku taalla Jaarraahoroto, oo ay ka socoto hawl qiima leh. Waxana uu shacabka degaanka u sheegay in ay ka go’an tahay, sidii uu uga midho dhalin lahaa, mashaariicda wax ku oolka ah ee uu degaanku u baahan yahay.
Dhinaca kale waxa isna afka bulshada ku hadlay Suldaan Yusuf Gasle, oo soo dhaweeyey mashaariicda laga billaabay degaankaasi, waxanu ku ammaanay kaalinta uu wasiirku ugu jiro degaanka.
Haweeynay lagu magacaabo Leya oo ku hadlaysey urur ka dhisan dalka Finland, ayaa iyaduna agab dhar iyo deeqo kale isugu jirta ku wareejisay hoggaanka bulshada degaankaasi, waxana ay ballan qaadday in iyada iyo ururkooduba ay qayb weyn ka qaadan doonaan horumarka degaanka. Waxana ay ballan qaadday in ay xarunta caafimaadka ku dari doonto qayb kale oo wax ku ool ah.
Awdalpress





