Awdalapress – London – Siyaasi Ali Guray oo ka mid ah siyaasiyiinta hadalkooda sida weyn loo dhegeysto, ayaa aad uga cawday, ereyga Mujaahid oo loogu yeedho. Waxana uu yidhi, ‘ Haa maalintii aan xaq darrada ka dagaallamayey, ee guragayga la igu dilayey, waan Jihaadayey, waxanan ahaa Mujaahid. Laakiin maanta ma ihi Mujaahid, waxanan ahay muwaaddin la siman dadkii aan kala fikirka ahayn.
Intaa waxa uu ku daray, ‘ Qofna yaan Mujaahid loogu yeedhin, dad baana dhibsanaya, oo u arka in iyaga loo jeedo.
‘
Ali Guray ayaa muddaba aammusnaa, markii xisbiga UCID uu Faysal kaga adkaadayna, waxa uu taageeray xisbiga Kulmiye. Laakiin sida warar hoose sheegayaan, kuma qanacsana. Waxana laga yaabaa in uu u soo tallaabo xisbiga Waddani.
Awdalpress



