Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Abdirashid Hassan Mataan iyo Mohamed Jamac Abgaal maxay ka midaysan yihiin amma ku kala duwan yihiin? ( Daawo )

$
0
0

Marka hore aan wada daawanno sidii Abdirashid sannad horteed loogu soo dhaweeyey xisbiga Waddani iyo hadalladii qiirada lahaa ee madashaa laga jeediyey.

Mudane Abdirashid H Mataan waa siyaasi ay dad badani u arkaan in uu ku caan baxay in xisbiga uu galaba muddo kadib isaga baxo. Illaa iyo immigana waxa uu isku maray labada xisbi ee UCID iyo WADDANI oo uu dhawaan isaga huleelay.

Bal hadda aan wada dhegeysanno sababta uu xisbiyadaa uga baxay:

Siyaasiga Abdirashid markii uu ka baxay xisbiga Waddani, ee weli muuqiisii la sii arkayo, ayaa ex-wasiir Mohamed Jamac Abgaal ( Sagaaro ) uu dhinaca kale ka soo galay Waddan, si uu u buuxiyo kaalintaa uu Abdirashid banneeyey. Dadka siyaasadda ka faalloodaana, waxa ay hoosta ka xarriiqeen in labadan siyaasi ee is weydaartay oo isku jufa ahi ay isku hadaf yihiin. Xisbiyada ay ka soo kala bexeenna aanay wax badan u waayeyn midkoodna, maaddaama uu kaalintii mid banneeyeyba ku kale uuni buuxiyey.

Laakiin waxa iyana cad in labada siyaasiba ay ka midaysan yihiin in xisbiyada lala xisaabtamo, balse aan madaxa loo lulin.

Ex-wasiir Abgaal isagana aan wada dhegeysanno sababta uu KULMIYE uga soo baxay ee uu u doortay Waddani.

Dhinaca kale waxa ayaamo kadib shaashadaha laga daawaday, dhallin yar reer Awdal ah oo Abdirashid ku cambaaraynaysa xisbiga Waddani ee uu ka baxay. Taasina waxa ay Abdirashid taageerayaashiisii kaga jawaabeen:

Xafladdaasi aan wada daawannay, ee lagu taageerayey Abdirashid waxa ku hoos qarsoonaa TOLLAAYEY….TOLLAAYEY iyo beer laxawsi qabiil. Inkasta oo ay kulanka da’yar qaban qaabiyeen, oo oday dhaqameed iyo waaweynka kaleba ka maqnaayeen madashaasi. Haddana Abdirashid ma qarsannin farriintiisa uu ku soo ururay beesha JY ee ay wadaagga ku yihiin Abgaal.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa la sugayaa Ex-wasiir Abgaal, bal isna doorka siyaasadeed ee uu ka dhex cayaaro reer Awdal.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images