Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Doorasha Somaliland: Waa ayo Musharraxa reerkiisu reerka kale ka qabiilisan yahay, ee doorashada badin doonaa?

$
0
0

Somaliland waxa muddo dhaw ku soo fool leh doorasho ay saddexda xisbi qaran u tartami doonaan kuraasta dalka ugu sarraysa. Waxana ay ku kala bixi doonaan doorasho xor ah, oo xalaal ah.

 

 

 

Doorashadaasi oo sida la filayo noqon doonta tii ugu adkayd abid ee si xalaal ah uga dhacda guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland. Iyada oo labada xisbi ee ugu cad caddina ay kala yihiin KULMIYE iyo WADDANI, oo ay kala hoggaaminayaan Muuse Biixi iyo Abdirahman Abdillaahi ( Cirro ), uu midkood uuni heli doono doorashada. Inkasta oo Faysal Cali Waraabe aan isaga laftiisa la yaraysan karin.

 

 

Sida la filayo waxa dhawaan la guda geli doonaa ololihii doorashada, inkasta oo ay xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ay immigaba wadaan ololaha aan xilligiisii la gaadhin.

 

 

 

Siyaasadaha xisbiyadu ( Kulmiye iyo Waddani )  ku ololaynayaan amma ku ololayn doonaan waxa ku gadaaman qabyaalad loo badheedhay, oo ay gadh-wadeen ka yihiin oday dhaqameedyo iyo siyaasiyiin. Taasi oo carisay xasaasiyad hor leh, oo xaalalaysay qabyaaladdii ummadda ragaadisay ee loo maara la’aa.

 

 

Waxa durba qabiil u qaybsamay cududdii shacabka oo dhallin yar ah, waxa meesha ka baxay mabda’ iyo barnaamij laga dhegeysto xisbiyada oo amma lagu raaco amma lagu diido amma lagu kala doorto xisbiyada. Siyaasiga amma shakhsiga aqoon yahanka ah ee u hollada amma u badheedha in uu ka baydho xisbiga ay beeshiisu taageerto ayaa lagala mid dhigaa shakhsi RIDDOOBAY sidii uu diinta ka baxaye.

 

 

Shacabka la kala qoqobayo waxa laga dhaadhiciyey in ay beelo tartamayaan, balse aanay musharraxiintu muhiim ahayn, oo haddana ay jufooyin hoose tartamayaan. Qabiilka doorashada laga badiyaana uu noqon doono mid gumoobay, oo aan dalka ku lahaan doonin talo iyo xaq mid toona. Sidoo kale waxa qabiilka ama beelaha tartamayaa ku dadaalayaan, in ay gaashaan buur la samaystaan qabiilooyinka kale amma beelaha kale ee yidhi annaga ayaa doorashada wax idinku darsanayna, waxana bilowday is xod xodashadii iyo ballamo la wada galo, oo iska afka baarkiisa ah.

 

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, marka xaal halkaa marayo, ee xadkii doorashada la geeyey qabiil. Waa ayo Musharraxa reerkiisu reerka kale ka qabiilisan yahay, ee doorashada badin doonaa?

 

 

Musharrax Abdirahman Abdillaahi Cirro iyo Muuse Biixi qabiilooyin ayey kala sheegteen, qabiilooyin kalena waxa ay wada galeen heshiis. Bari iyo galbeed ayaanay isaga kala gooshayaan, labada musharrax ee labadaa xisbiga kala hoggaaminayaana waxa ay socdaalladoodaa la kulmeen soo dhaweynayo laxaad leh. Oo musharrax walba u qaatay in isaga iyo xisbigiisa la jecel yahay.

 

 

Hase ahaatee, soo dhaweyntaasi maaha sawirka runta ah ee ay ku kala badin doonaan Musharrixiinta xisbiyadu. Mujtamaca had iyo jeer ku soo dhaweeya tuulooyinka, degmooyinka iyo magaala madaxyaduba, waxa ay ka tarjumayaan dimuqraaddiyadda iyo bisaylka shacabka, oo ay munaafaqadi weheliso. Shacabka bilaa camalka ahina waxa ay ku wakhti qaataan shaqaaqada suuqyada sida ololaha xisbiyada, sacab been ah iyo soo dhaweyn been been ah ayaanay kala hor tagaan gawaadhida calammada midabbada lihi ay sudhan yihiin, laakiin xaqiiqda lagu kala baxayaa waa marka muwaaddinku kelidii warqadda codkiisa ku ridayo sanduuqa yaalla goobta qarsoon.

 

 

Gobollada galbeedka oo lagu tilmaamo in ay haystaan codka lagu kala bixi doono, ayaa qaybsan, qaybsanaantaasina waxa ay meesha ka saartay saamigii ay u wada dagaallami jireen ee ka maqnaa iyo codkoodii midka ahaa. Sida ay ugu caano badinaysaana waa iyaga oo beegsada xisbiga ay dantu ugu jirto. Ee keeni kara isbeddel dhab ah. Balse aanay wakhti isaga lumin ay wakhtigan iyagu cagta hoosteeda is geliyaan. Codkooduna uu noqdo mid khasaara amma cidlada laga qaato.

 

 

Ahmedweli Goth


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images