Awdalapress – London – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in boqortooyada Sacuudiga ay ugu deeqday lacag gaadheysa 50 milyan oo dollar. Sidaa waxa ka markhaati kacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Deeqdan ayaa la qiyaasayaa in ay ka dambeysey booqashadii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagey Boqortooyada Saudiga.
Mucaawinadan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf uu weli ka dhex taagan yahay Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federalka, kaasi oo ka dhashay Mowqifka dowladda iyo kan maamul goboleedyada ee ku aadan Khilaafka waddama Khaliijka iyo Qatar.
Haddaba, deeqada Sacuudigu siiyey Somalia, ayaa la is weydiinayaa waxa ay ka beddeli karto shakigii laga qabay xidhidhka dowladda Federaalka iyo Sacuudiga ee ku aaddanaa dhexdhexaadnimada dowladda Somalia ee muranka Khaliijka? Su’aashaa iyo kuwo kale ayaa wariyaha laanta afka Somaliga ee BBC-da Jacfar Kuukaay uu weydiiyey Mursal Saneey, Agaasime ku xigeenka Machadka Cilmi Baarista ee Heritage ee Fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.
Source BBC
Awdalpress




