Awdalpress – London – Magaalada BORAMA oo ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan geeska Afrika, isla markaana tirada dadku ay qiyaas la’aan u korayso, ayaa maal mahanba waxa ay isku soo baxyo ay ku taageerayaan xisbiyada tartamaya ka waday goobaha ay dadku isugu soo baxaan sida BEERTA XORRIYADDA.
Haddaba xisbiga Waddani oo maanta u lahaa ololihiisii ayaa laga fajacay waxa khalqi isugu soo baxay madashii lagu ballansanaa. Madaxdii xisbiga Waddani ayaa markii ay ummaddii ka yaabeen fara badnidooda iska qiirooday, oo qaar la ilmeeyeen sida ay reer Borama gob u yihiin, ee ay ugu samreen in ay codkooda ku baddalaan dawlad ay in badan ka cabanayeen. Waxana ay u eg tahay in 80% ay dadka gobollada galbeedku u codaynayaan xisbiga Waddani oo ay u arkaan in uu la iman doono isbeddel ay ku farxaan.
Awdalpress





