Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha Somaliland ee dhawaan la doortay mudane Muse Bixi Cabdi ayaa kulan wada tashi la yeeshay ruug caddaaga aqooneed ee Somaliland.

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweynaha la doortay waa Muse Bixiye, ayaa kulan wada tashi la yeeshay ruug caddaaga aqooneed ee uu hormoodka ka yahay Prof. Saleebaan A Guleed. Wada tashigan uu Madaxweyne Muse la yeeshay aqoonyahanno ka socda Jaamacadaha Somaliland ayaa ahaa mid miisaankiisa leh, laguna lafa guray dhinacyo badan oo khuseeya maamulka dawladnimo iyo sidii loo tayeyn lahaa aqoonta dalka.

Kulankaa wada tashi ayaa laga waraystay Prof. Saleebaan oo ahaa macallinkii Madaxweynaha, isla markaana loo tiriyo in uu yahay shakhsiga ay aadka isugu dhaw yihiin Madaxweyne Muse Bixi.

Prof.Saleebaan ayaa ka mid ahaa aqoonyahannadii gacanta midig ee halyeygii Ethopia mudane Zanawi. Gaar ahaana waxa uu Pro. Saleebaan gacan weyn ka geystay toosintii iyo dhismihii dawladdii kursiga ka tuurtay Mingiste. Xilliganna waxa la filayaa in uu si weyn isku garab taago Madaxweyne Muse Bixi.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images