Awdalpress – London – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay shirka wajigii labaad ee kulankii bishii May, sanadkan ka dhacay magaalada London oo lagaga hadlayey xaaladda Soomaaliya.

Shirkan oo uu shir guddoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Maxamed Farmaajo, ayaa waxa ka qeyb gelay, Madaxda Dowlad gobolleedyada, Xubno ka socda Beesha Caalamka, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.
Shirkaan ayaa daba socda Shirkii Bishii May ka dhacay Magaalada London ee lagaga hadlaayay arrimaha Soomaaliya.
Maalintii shalay ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada ka dhacay Shirka Golaha Amniga Qaranka Somaliya oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, ayna qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale.
Source HOL
Awdalpress





