Awdalpress – London – Dadka Somalida ah ee u soo qaxay dalalka reer Galbeedka, ayaa waxa soo wajahay cabsi iyo war-war kaga yimid da’yartii ku barbaartay dalalka USA, Canada, UK, Sweden, Norway, Talyaaniga, Germany iyo kuwo kale.
Cabsidani oo marba marka ka danbaysa sii kordhaysa, ayaa ah mid lagu dilay da’yar badan oo Somali ah. Waxana dilku kaga yimaaddaa dhalinyarada Somaliyeed dhexdeeda oo kooxo u kala baxay iyo kooxo madaw ah oo ugaadhsada da’yarta Somaliyeed, gaar ahaan wiilasha Somaliyeed.
Haddaba, waxa magaalada Toronto lagu qabtay dood lagu falanqaynayo, xalna loogu raadinayo dilalka da’yartaa Somaliyeed.
Dooddani oo ay ay qabatay idaacadda VOA ayaa sidan u dhacday.
Awdalpress





