Magaalada Gaalkacyo oo u kala qaybsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa gooro badan waxa ka dhacay dagaallo ay isaga hor yimaaddeen labadaasi maamul. Dagaalladaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dad shacab iyo ciidan ah ayaa weli laga cabsi qabaa in uu marar kalena dhaco.
Haddaba si taasi loo daweeyo waxa dhawaan kulammo nabadayn ah u socday labada maamul ee Puntland iyo Galmudug. Waxana ay ugu danbayntii ku soo af-jareen heshiiskan maamlintii shalay ahayd ay ku gaadheen magaalada Galkacyo..
Warar heshiiskaa ku saabsan aan idiin soo gudbinno
Magaalada Gaalkacyo waxa maalintii shalay Maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku gaadheen heshiis ka kooban 11 Qof oo ay ku kala saxiixdeen labada dhinac.
Heshiiskaas ayaa waxaa saxiixay 26 Qof oo labada dhinac ka soo kala jeeda waxaana dhinacii jebiya loo aqoonsaday in uu yahay nabad diid. Dadka saxiixay heshiiskan waxaa ka mid ah.
Guddoomiyaasha labada dhinac, 2da duq magaalo ee gaalkacyo iyo Odoyaasha dhinacyada Galmudug iyo Puntland ee magaalada Gaalkacyo. Hishiiskuna waxaa uu ka koobanyahay qodobadaan soo socda:
1 – In la sameeyo Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Nabadgalyada Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo
2 – In dhammaanba jidgooyooyinka la qaaday shalay oo taariikhdu ku beegnayd 16 Dec
2017 Sabti isla markaana ay waajib ku tahay labada dhinac in shacabka Gaalkacyo ay si nabad iyo xasillooni ah u adeegsadaan wadooyinka muhiimka ah ee horay u xirnaa laga
bilaabo taariikhda maantay ah ee hishiiskaan la saxiixay.
3 – In la diyaariyo ciidan isku dhaf ah oo si rasmi ah u suga Nabadgalyada Gobolka Mudug.
4 – in baraha ay joogaan ciidamada Maleeshiyaadka ah ay sidii horayba loogu balamay ay baneeyaan, mas’uuliyada goobaha la baneeyayna ay tahay mid saaran ciidanka Isku dhafka ah.
5 – In goobaha ay joogaan Meleeshiyo Beeleedyadu ee deegaamada daaqsinka ah (Miyiga) ay ku kala sugnaadaan goobahooda inta xal waara laga gaarayo, isla markaana waxaa kormeeraya deegaannadaas ciidanka isku dhafka ah ee labada maamul iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
6 – in qofwaliba uu xaq u leeyahay in uu dhisto dago, iibsado, kuna ganacsado gurigiisa,
aanna laga horistaagi karin dhinac kasta oo uu ku yaalo.
7 – in la joojiyo wararka colaadaha hurinaya,
8 – In dhammaan maamullada gobolka Mudug, ganacsatada iyo qaybaha kale duwan ee
bulshadu ay gacan ku siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Booliska iyo Nabadsugida,
gudashada waajibaadkooda sugida ammaanka magaalada Gaalkacyo.
9 – In labada Guddoomiye Gobol iyo degmo ay si wadajir ah uga wadashaqeeyaan sugida
amniga gobolka Mudug.
10 – Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ballanqaadayaa in uu adkeyndoono
Nabadda la wadaqaatay haddii Alle idmo.
11 – Ma’uuliyiinta Hishiiskaan saxiixay waxay ka codsanayaa Talyaha Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaaliyeed in uu ku wareejiyo sugida Amniga Gobolka Mudug ciidanka isku dhafka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee ku sugan gobolka Mudug marka la sameeyo, si ay u
hantaan Nabadgalyada Gobolka Mudug.
F.G – Hishiiskaan wuxuu dhaqangalayaa marka la wada saxiixo, waana la saxiixay, dhinicii jabiyana hishiiskaan, waxaa loo aqoonsanayaa Nabaddiid, waxaana laga qaadayaa tillaabada ku habboon sida sharcigu qabo.
Saxiixayaasha Hishiiskaan waxay ka kooban yihiin 26 qof oo 10 iyo 10 ah, iyo 6 gabdhood oo 3 iyo 3 ah. Waxaa sidoo kale hishiiskaan saxiixay labada Guddoomiye ee Mudug, Iyo Labada Guddoomiye degmo ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaa hishiiskaan goobjoog ka ahaa,
– Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas General C/wali Jaamac
Xuseen Gorod.
– Talyaha Ciidamada difaaca Puntland Sareeye Guud General Siciid Maxamed




