Awdalpress – London – Ex – Wasiir Ahmed Xaaji Daahir oo maalintii shalay ahayd xilka laga tiriyey, horena u soo maray xilal wasiirnimo, ahna siyaasi qiima badan, oo magac iyo maamuus ku leh gobollada galbeedka, ayaa markii uu xilka wareejinayey si mug leh uga hadlay, muddadii yarayd ee uu joogay wasaaradda xidhiidhka golayaasha. Waxana uu sheegay in lacagtii wasaaradda taallay oo malaayiin ahayd la dhacay, oo aanu waxba ugu iman khasnadda wasaaradda.
Awdalpress





