Awdalpress – London – Dhawaqa qiirada leh ee uu Boobe kaga hadlay nabsiib darrada xilligan ku habsatay dhallinyarta reer Somaliland, ayaa ka dhawaajiyey tallaabada dhalintii dalka sida khasabka ah timaha loogaga jarayo suuqyada, ee ciidammada Bolisku shaqo uga dhigteen ugaadhsiga timaha dhalinyarada. Halkii dhalinta looga jihayn lahaa.
Boobe ayaa sheegay in ay dhalinta reer Somaliland haysato shaqo la’aan, dhaqaale la’aan iyo daryeel la’aan. Taasina ay kaliftay in timihii iska ciiri kari waayaan ama falalka ammaan darraba uu yimaaddo. Sidoo kale waxa uu si qiira leh uga hadlay hagar daamooyinka ku habsaday dhalinyarada reer Somaliland ee aan xalka loo hayn.
Awdalpress






