Awdalpress(Muqdisho) 15 May, 13–Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay qabtaan koox burcad ah oo hubeysneyd oo weerartay xarun shirkadda xawaaladda Dahabshiil ay ku leedahay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Koox burcad ah oo ka kooban shan nin ayaa barqadii maanta weerartay oo gudaha u gashay dhismaha xawaaladda.
Ciidanka ayaa dilay mid ka mid ah burcadda, waxay kaloo qabteen afartii kale.
Mid ka mid askarta ilaalada xawaaladda ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay burcaddii lagu qabtay howlgalka.
Shirkadda xawaalada Dahabshiil waxay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku leedahay saddex xarumood.
RBK