Awdalpress(Nayrobi) 15 May 13–Qasriga Madaxtooyada dalka Kiiniya ayaa maanta lagu dhaariyay golaha wasiirada ee dhowaantan uu magacaabay madaxwenaha dalka Kiiniya Uhuru Kenyatta.
Munaasabadda dhaarinta ayaa waxa ka qeyb galay masuuliyiinta dalka, iyadoo ay ka muuqatay wasiirada la dhaariyay Farxad.
Madaxwaynaha dalka Kiiniya Uhuruu Kenyaata ayaa kula dardaarmay xubnaha golaha wasiirada ee maanta la dhaariyay inay shacabkooda si dhex dhexaad ah oo daacad nimo ay ku jirto ay ugu adeegaan.
Dhinaca kale shacabka ayuu madax wayne Kenyaata ugu baaqay inay shaqada golaha wasiirada loo dhiibay ay si toos ah oo hufan ugula xisaabtamaan.
Madaxwyane Kenyaata ayaa sheegay in ujeedada golaha wasiirada ee maanta la dhaariyay ay tahay hamiga wanaagsan ee uu dalkani tiigsanayo sanadka 2030 ka.
Amb. Amina oo loo magacaabay wasiirka Arimaha dibadda ayaan ka qeyb gallin munaasabadda dhaarinta, waxaana la sheegay inay ku maqan tahay safar dalka dibaddiisa ah.
Amb. Amnia waxay sii wadataa shaqadeeda ay la hayso ururka ganacsiga caalamiga ah oo muddo ay la shaqeyneysay.
Barlamaanka dalka ayaa shalay meel mariyay golahani wasiirada cusub ee maanta uu dhaariyay ka dib markii gudiga turxaan bixinta ee baarlamaanigu shalay soo turxaan bixiyeen 16 wasiir oo uu dhawaam magacaabaay Madaxwayne Uhuuru Kenyaata.
Star