Awdalpress – London – Dood lagu sheegay in lagu gorfaynayo dhaqaalaha sii xumaanaya ee Somaliland oo ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa iska ahaa sheeko baralay lagu naas-nuujinayo koox yar oo aan aqoon iyo waaya aragnimo u lahayn dhaqaalaha.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiye Cirro iyo Guddoomiye Faysal, ayaa dad badani u arkeen sheekadii MAAWEELADA-CARRUURTA. Isla markaana haba yaraatee aan waxba ku soo kordhin, sidii loo xakamayn lahaa dollarka sii qaali garoobaya amma dollarka wax lagu kala gato, ee aanay shacabka reer Somaliland u lahayn awoodda.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay awdalpress.com muddo dhaw idinla wadaagi doontaa, qaabka ugu fudud ee dhaqaalaha Somaliland iyo lacagta Somaliland u sal-dhigi lahay iyo wakhtiga amma qiimaha mashruuca noocaasi ahi uu ku kici karo. Laakiin inta ka horreysa wakhtigan kala guurka, waxa aan horta eegi doonnaa qaabka waallida ah ee ay ganacsatada, xukuumadda iyo hay’adaha qaar ay ku doonayaan in ay u xakameeyaan.
Bal nala daawo, hadallada madhan, ee aqoon iyo waaya aragnimo ka madhan ee lagu tilmaamay dood lagu gorfeeyey sicir-bararka Somaliland….
Awdalpress





