Ayaan Daahir Abdi Bade Mude, oo ah gabadh wax baratay, oo u soo ban-baxday sidii ay dadkeeda wax ugu qaban lahayd, ayaa ka mid ah shakhsiyaadka ka hawl gala ururka WEEDA. Oo ku hawlan kor u qaadista aqoonta dumarka, daryeelka carruurta iyo hooyooyinka, shaqo abuurka, dhiraynta degaanka iyo wacyi gelinta shacaba.
————————————————————————————————————
Awdalpress – London – Bulsha-weynta dega degmada Dilla oo ay qorba joogta degaankaasi ka soo jeeddaa dhinac taagan yihiin, ayaa isku tashaday, balse aan dawlad iyo wax la mid ah ku tashan. Intii muddo ahna waxa degmada Dilla, Degmada Idhan iyo Degmada Baki ka socda hawl musaacado iyo horumar ah oo ay shacabka degaankaasi u dhashay ay ka qabanayaan dalkooda.
Ayaan Daahir Abdi Bade Mude, oo ah gabadh wax baratay, oo u soo ban-baxday sidii ay dadkeeda wax ugu qaban lahayd, ayaa ka mid ah shakhsiyaadka ka hawl gala ururka WEEDA. Oo ku hawlan kor u qaadista aqoonta dumarka, daryeelka carruurta iyo hooyooyinka, shaqo abuurka, dhiraynta degaanka iyo wacyi gelinta shacaba.
Maalintii shalay ahaydna waxa ay u dabbaal degeyeen sannad guuradii 2aad ee ururka WEEDA. Xafladdii loogu dabbaal degeyeyna, waxa ka soo qayb galay dad badan oo qiimo badan, dhammaantoodna ka hadlayey horumarka uu ururkani WEEDA u keenay degaanka Dilla iyo dadkeeda.
Mashaariicda horumarinta ee degaannada bariga Borama ay shacabka ka soo jeedaa isku tashadeen maaha uun kani ururka WEEDHA wadaan, ee waxa jira ururro kale oo qorba-joog iyo qol qol joogba leh, oo aad wax uga qabta adeegyada biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka. Illaa iyo immiga degaannada ay ka hirgeliyeenna waxa ka mid ah Idhan, Degaannoo ka mid ah Baki, Dilla iyo degaanno gubanka ku yaalla.
La soco warbixinaha wax qabad ee ay dadka degaannada bariga Borama isku tashadeen.
Awdalpress.com