Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaal goos goos ah oo ka dhex socda dagaalyahanno u dhashay gobollada Sool oo u kala saftay Puntland iyo Somaliland.

$
0
0

Warar immiga na soo gaadhaya ayaa sheegaya in ciidammo calooshooda u shaqaystayaal ah, oo ka soo wada jeeda beelaha Dhulhante ay saaka dagaal isaga hor yimaaddeen tuulada Tukayaraq ee ku taalla gobolka Sool.

 

Waxana la sheegayaa in uu illaa xalay dagaal xooggani ka dhex socday ciidammadan, oo ay dhabarka ka joogaan ciidammada maamullada Somaliland iyo Puntland. Sida la sheegayana waxa ciidammada kala wata saraakiil iyo madax kala taabacsan labada maamul.

 

Beelaha la isku yidhaa JEEGAANTA awal horena u ahaa Somaliland, ayaan iyagu awood u lahayn in ay keligood galaan dagaalka haddii uu intaa ka sii bato. Ciidanka jiiddaa joogana waxa warar hoose sheegayaan in laga cabsi qabo in beelaha qaar isaga baxaan, maaddaama shaki weyni ku yimid wax wada lahaanshihii Somaliland.

 

 

Dhinaca kale ee Puntland iyana waxa laga soo sheegayaa, in is urursi ciidan oo badani ka jiro beelaha Majeerteen, inkasta oo khilaaf weyni dhex dooda yaallo. Taasina ay keentay in beesha Ciise Moxamuud ay ka soo horjeeddo dagaalka.

 

 

Isku soo wada duuboo, waxa aan shaki ku jirin in uu dagaalkaasi u dhaxeeyo dagaal yahannada Dhulbahante ee kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images