Awdalpress – London – Muse Biixi oo hoggaamiye u ah maamulka JEEGAANTA iyo xukuumaddiisa uu hoggaanka u hayo, ayaa la sheegayaa in ay dhaqaale xumo xumo badan iyo dagaallo ay soo wajaheen, isla markaana madaxa la gashay dagaallo sokeeye oo ay qayb ka noqotay.
Sida la og yahay, waxa dagaal uu dhex marayaa beel ay xukuumaddii Siilaanyo hubaysay iyo kuwa ay wada deggen yihiin oo ka soo jeeda beelaha Habar Yonis. Sida uu sheegay Suldaanka guud ee Somalilandna waxa caddaatay in uu dagaalkaasi dhex marayo ciidammada Jeegaanta iyo beel. Welina waxa loo maara la’yahay sidii loo xakamayn lahaa dagaalkaasi amma loo joojin lahaa.
Xukuumadda Jeegaanta ee Muse Bixina ayaa dhagaha ka furasatay in ay wax ka qabtaan dagaalladaasi. Welina lama hayo, ergo amma wasiirro hawshaa loo diray si ay wax uga qabtaan. Dhawaanna waxa uu Muse Bixi la hadlay guddoomiyaha Wadani oo uu ka codsay inuu beelahaasi baaq u daro. Mudane Cirrana waxa uu saxaafadda mariyey hadal uu ku leeyahay, ‘Muse waxa uu kala garan la’yahay aniga iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha’.
Dhinaca kale waxa dalkii la odhan jiray Somaliland dhibaato ba’an ku haya, siyaasad xumo gudaha iyo dibaddaba aad u saamaysay oo dadkii si xun u kala qaybisay, dhaqaale xumo amma sicir barar aanay dadkii waxba iibsan karayn. Waxa kale oo laga baqayaa in shaqo la’aantu cirka isku shareerto iyo mishaharka shaqaalaha oo ay Jeegaantu awoodi waydo in ay bixiso.
Isku soo wada duuboo, waxa uu xilligan Muse garawsaday in aanu kursiga uu ku fadhiistay ahayn mid dhib yar. Oo dagaal iyo cadho u baahan. Ta kale ee uu immiga uun ogaadayna waa…..aniga ayuun baa talin oo aan soconayn iyo xoog baan dadka ugu talin. Telefoon iyo war uu raadiyo ama been ay guulwadayaashiisu u keenaan ayaana nafta u keentay.
Awdalpress





