Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maamulka Muse Bixi inta aanu Somalia wada hadal la yeelan waxa ka horreeya in uu mideeyo Somaliland.

$
0
0

Awdalpress – London – Xilligan uu Muse Bixi soo fuulay kursiga ay Jeegaantu daba-taageertay, waxa sii kordhaya colaadda Somalia iyo Somaliland. Taasi oo shacabka reer Somaliland hore looga buuxiyey cadaawadda Somalia. Oo weliba maamulladii Somaliland soo maray gaadhsiisay qofkii Xamar tagaa in uu gaaloobay amma uu riddoobay. Halka Ethopia iyo Djabouti ama Kenya ay u arkaan dawlado walaalahood ah.

 

Fikirka noocaasi ah oo la ogaaday in uu ku kooban yahay beelaha Somaliland qaarkood, oo xataa aan la odhan karin beelaha Isaaq ayaa ka wada siman. Ayaa xilliganna ku soo ururay beelo gaar ah, oo aan xataa la odhan karin Jeegaantu way wada aamminsan tahay.

 

 

Haddaba xilligan ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jeegaantu ka dhawaajiyey in wada hadal ay la furi doonaan xukuumadda Muqdisho. Laakiin dhinaca dawladda Federaalka wax arrintaa ka hadal hayaa ma jiraan. Xataa reer Muqdisho ma oga in ay Somaliland amma Jeegaani ka jirto gobolladii la isku odhan jiray woqooyiga.

 

 

Wada hadalka uu Wasiirka Jeegaantu sheegay, ayaa dadka reer Somaliland ku tilmaameen mid deg deg iyo jahawareer dabada ku haya, maaddaama aanay Somaliland xilligan ka jirin ummad wada socota oo isku dan ah. Haddii wax hagaaga la doonayana ay habboon tahay in marka hore ay Somaliland dib u gasho dib u heshiisiin, inta aan Xamar iyo meelo kale loo boodin.

 

 

Sidaasi daraaddeed, wadaadka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr, Sacad hadalkiisu waa mid aan dhaafsiisnayn in uu Somalia kala hadli doono dano gaar oo weliba dhaqaale.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images