Faallo: Haashim Goth
Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi wuxuu muddo faro badan u sheegayay dhegaha dadweynaha Somaliland in Madaarka Hargaysa uu noqon doono madaar Casri ah, bilic leh, isla markaana hantidii dawlada Kuwait ay ku deeqday aan laga sagsaagi doonin. Dhawaan ayay ahayd markii uu ka codsaday Madaxweyne Siilaanyo inuu xadhiga ka jaro Madaarka, maadaama la dhamaystiray dhismihii madaarkaasi ka socday, wuxuu maalintaasi Akhriyay Khudbad iskugu jirtay Faan iyo bandhiga wixii uu qabtay. Todobaad kama dambayn markii la furay Madaarka ee diyaarada Ethiopian Airlines ay soo fadhiisatay Madaarka Hargaysa, kana soo wareegtay dhanka Berbera oo ay isticmaalaysay diyaaradu mudadii dhisku socday. Si kasta oo ay ahaydba waxaa u cadaaday khubaradii Diyaarada Ethiopia inaanay diyaarada nooceedu tahay 737 ee qaada 170 qof aanay ka duuli Karin madaarka Run-waygiisii la shaxaaday, macluumaad badan oo ku qoran ethiopianewsforum.com ayaa faahfaahinaya cida rabtaana ka akhrisan kartaa fadeexada ka dhalatay dhismihii madaarkan lacagta badan lagu kharash gareeyay.
Shirkada diyaaradaha ee Ethiopia maaha mid si dhibyar ugu soo laabanaysa Madaarka Hargaysa, weftiga tagayna waa mid faro madhan kala soo laaban doona, maxayse shacabka ku qancin doonaan?. Hadaba waxay su’aashu tahay Ma is casili doonaa Wasiirka Duulistu mise wuxuu la warwareegayaa siddii uu shaqada shacabka loogu dhiibay hadana uu u sii haysan lahaa, taasi maaha mid wakhtigan dadweynuhu ka aqbalayaan Wasiirka Duulista balse wuxuu magac ku yeeelan karaa inuu xilka iska casilo, haddii uu talaabadaasi qaadi waayana waxaa laga sugayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo inuu xilka qof ku haboon u magacaabo, isaga uu waraaqda Duco qabe madaarka maaha wax la khiyaamo. Haddii talabadaasi uu ka gaabiyo Madaxweyne Siilaanyo waxaa muuqan doonta inuu la wadaagi doono wasiirkan fadeexada Madaarka Hargaysa, dad badana waxay u arki doonaan in shaadh beelaysan uu hoosta ka galay Wasiirkan Duulista oo mudaba lagu xaman jiray inuu yahay nin xagal daaciya miisaanka siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo. Waxay indhaha bulshada Somaliland saran yihiin waxa laga yeelo Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi, haddii talaabada la wada sugayo uu mutaysto waxaa la hubaa in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay heli doonto kalsooni dhanka shacabka ah. Dawladaha neceb musuqmaasuqu waa kuwo aan ka gaban kana biqin talaabada masuuliyiinta ceebta u soo jiidaya siyaasadahooda.