Awdalpress – London – Magaalada Djabouti waxa maanta ka furmay qeybtii hore ee shir dhinaca deeqaha ah, oo ay halkaasi ku lahaayeen dalalka Afrika, kuwa kulaala xeebbaha Caribbean, Pacific iyo Midowga Yurub.
Soomaaliya oo markii ugu horreysey ka soo qeyb gashay shirkan, ayaa maalinta berri la bilaabi doonaa qeybtii labaad oo ah tii u dambeysey ee wasiirrada dalalka la isku yidhaahdo ACP Group.
Ramadan Muuse oo goob joog ka ahayd shirkaasi iyo waxyaabihii ay Somaliya kaga hadashay, ayey ka wareysatay Maxamed Daahir Faarax oo ah madaxa xafiiska haga mashaariicda midowga yurub ee dowladda Federaalke Soomaaliya.
Source VOA
Awdalpress





