Awdalpress – London – Guddoomiye Jawaari ayaa mar kale soo rogaal celiyey, waxana uu garab ka helay ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM. Sida wararku sheegayaanna waxa ay ciidammadaasi saaka la wareegeen xaruntii golaha shacabka. Sida warar xog ogaal ahi sheegayaanna waxa barri amma barri danbe la filayaa in xaalku waji kale yeesho. Inkasta oo aan dhinaca Farmaajo iyo Khayre laga hayn war arrintan ku saabsan.
Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo ku soo baxay xiisada Baarlamaanka ayaa lagu waramayaa in ay xarunta Golaha Shacabka ka kaxeeyeen guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad.

Taliyaha AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan xarunta Amnigeeda inta xal buuxa laga gaarayo Khilaafka Baarlamaanka.
Waxaa uu sidoo kale xusay in Jawaari Amnigiisa ay ka mas’uul yihiin qeybna uu ka yahay waajibaadkooda inta uu xilka haayo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo saakay tagay xarunta Baarlamaanka ayaa meesha ka saaray Ajandihii looga dooddi lahaa mooshinka isaga ka dhanka ah, kaddib markii uu fadhigu qabsoomi waayay.
Xildhibaanno ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha in ciidammo isaga ka amar qaataa ay xoog ku galeen xarunta golaha shacabka, islamarkaana diideen in ay gudaha loo galo xarunta.
Xarunta Villa Hargeysa ee uu deggan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxa uu halkaasi kula kulmay Taliyaha ciidamada AMISOM Paul Lokech, waxa uuna Jawaari ka codsaday taliyah in amaankiisa la adkeeyo.
Taliyaha ciidamada AMISOM Paul Lokech ayaa xarunta Villa Hargeysa ka sheegay in waajibaadkooda shaqo ay qeyb ka tahay ilaalinta amaanka Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya maadaama uu wali xilka hayo.
La soco sheekadu halka ay berri ku danbayso.
Awdalpress







