Boqor Cisman Aw Muxumed oo loo yaqaan BoqorBuurmadaw oo ka mid ah oday dhaqameedyada iyo haldoorlka Somaliland, oo dhawaan ka qayb galay xaflad dhaqan oo lagu caleema saarayey Oday dhaqameed reer Puntland ah, ayaa markii uu xafladdii ka yimid ee uu Hargesysa isa soo taagtay loo taxaabay jeelka.
Xafladda uu boqorku ka hadlay ayaa xadhiggiisa loo sibir saarayaa, in ka qayb galkaa xafladda Garawe ee uu ka hadlay ay gaf iyo nusqaan ku tahay dastuurka iyo dawladnimada Somaliland.
Xadhigga muwaaddinkani waa dhacdadii labaad intii bishan ah oo xukuumadda Somaliland u xidho shakhsiyaad si nabad ah fagaare uga hadlay amma dadka Somaliyeed hadal la wadaagay.
Awdalpress





