Awdalpress – London – Waa markii labaad ee xil ka qaadis lagu sameeyo xubno miisaan ku lahaa xisbiga Waddani, waxana maanta/shalay uu guddoomiye Cirro guddoominayey kulan deg deg ah oo xilka lagaga qaaday:
1. MD. Faarax Cilmi Geedoole ( Oo ahaa xubin xisbi, golaha fulinta ) oo ay ku eedeeyeen burburin xisbi iyo in uu sheegtay hoggaamiyaha xisbiga Waddani ee cusub.
2. MD. Abiibakar Sh. Xuseen Meegaad ( oo ahaa Xubin xisbi, hoggaanka fulinta ee golaha dhexe ) Oo lagu eedeeyey burburin xisbi.
3. MD. Cisman Ibrahim Warsame ( Xubin xisbi, golaha dhexe ) Oo lagu eedeeyey burburin xisbi.
Awdalpress





